Uk Oo War Ka Soo Saaray Qalaalasaha Ka Taagan Dalka Nigeria+Sababta Ka Danbeeyay.

0
Thursday October 22, 2020 - 09:39:47 in by salman abdi
  • Visits: 319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Uk Oo War Ka Soo Saaray Qalaalasaha Ka Taagan Dalka Nigeria+Sababta Ka Danbeeyay.

    Uk Oo War Ka Soo Saaray Qalaalasaha Ka Taagan Dalka Nigeria+Sababta Ka Danbeeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Uk Oo War Ka Soo Saaray Qalaalasaha Ka Taagan Dalka Nigeria+Sababta Ka Danbeeyay.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK, Dominic Raab, ayaa ku baaqay in la soo afjaro qalalaasaha ka taagan dalka Nigeria, halkaas oo muddo labo toddobaad ah ay ka socdaan dibabaxyo looga soo horjeedo tacaddiyada ay booliisku geystaan.

Mr Raab ayaa sheegay in dowladda Nigeria "ay waajib ku tahay inay si degdeg ah u baarto wararka la xiriira tacaddiyada ciidamada ammaanka ayna la xisaabtanto kuwa geystay".

Wuxuu sheegay inuu aad uga walaacsan yahay qalalaasaha iyo dhimashada dadka rayidka ah.

Hay`adda u doodda xuquuqda aadanaha, Amnesty International, ayaa sheegtay in ugu yaraan 12 dibadbaxayaal ah ay ciidamada Nigeria Talaadadii ku dileen magaalada Lagos. Milatariga ayaase beeniyay arrintaas.

Codsi dowladda UK looga doonayo inay cunaqabateyn saarto dowladda Nigeria, ayaa waxaa saxiixay ku dhowaad 200,000 oo qof.