Radio Hargeysa iyo SNLTV oo aan weli si rasmi ah looga baahin Lagu Dhaliilay Xukuumada S,land.

0
Thursday October 22, 2020 - 18:34:12 in by salman abdi
  • Visits: 433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Radio Hargeysa iyo SNLTV oo aan weli si rasmi ah looga baahin Lagu Dhaliilay Xukuumada S,land.

    Radio Hargeysa iyo SNLTV oo aan weli si rasmi ah looga baahin Lagu Dhaliilay Xukuumada S,land.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Radio Hargeysa iyo SNLTV oo aan weli si rasmi ah looga baahin Lagu Dhaliilay Xukuumada S,land. 14kii bishan October waxaa magaalada Hargeysa shir jaraaid ku qabtay Siyaasiyiin uu kamid yahay Maxamuud Xaashi Cabdi, kuwaasi oo dhaliilo kala duwan usoo jeediyay hoggaaminta madaxweyne Biixi, balse lagama baahin telefishanka Qaranka Somaliland iyo Radio Hargeysa. Isla 19kii bishan October waxaa isna magaalada Hargeysa shir warbaahineed ku qabtay hoggaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali X. Xasan oo isna dhaliilo kala duwan usoo jeediyay xukuumadda Somaliland, isagana lagama baahin hadalkiisii Radio Hargeysa iyo SNLTV. 19kii bishii hore ee September ayay ahayd markii Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland lagu sheegay in si dhexdhexaad ah looga baahin doono wararka iyo barmaamijyada ka dhaca gudaha Somaliland warbaahinta dawladda.