Gudoomiyaha Ha'yada Shaqaalaha Dawlada Oo Shaaciyay In Laga Helay Xanuunka Safmarka Ah Ee Covid-19.

0
Wednesday October 28, 2020 - 14:30:32 in by salman abdi
  • Visits: 363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Ha'yada Shaqaalaha Dawlada Oo Shaaciyay In Laga Helay Xanuunka Safmarka Ah Ee Covid-19.

    Gudoomiyaha Ha'yada Shaqaalaha Dawlada Oo Shaaciyay In Laga Helay Xanuunka Safmarka Ah Ee Covid-19.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Ha'yada Shaqaalaha Dawlada Oo Shaaciyay In Laga Helay Xanuunka Safmarka Ah Ee Covid-19.
Gudoomiyaha haa'yada shaqaalaha dawlada Somaliland Farxaan Aadan Haybe Ayaa sheegay in baadhis lagu sameeyay laga helay xanuunka safmarka ah ee coronavirus. Gudoomiye Farxaan ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad wanaagsan tahay, waxaanu qoraal uu ku baahiyay Facebook ku yidhi sidan:- "Shalay ayaan waxoogaa qufac ah yeeshay si aan isu hubiyo caafimaadkayga iyo taxadir badbaado dadka kale ah u sameeyo, Baadhis la xidhiidhi Covid-19 ayaan sameeyay ilaa shalay iyo maanta oo baadhista natiijada aan sugayay guriga kama bixin. Imika ayaa la ii soo sheegay natiijada in aan positive ahay. Alxamdulilah wax culays ah ama isbadal ah xataa xumad ma yeelan keliya qufac kooban mooyee, markaa muhiim ayay u tahay qof kastaa inuu is baadho si uu u xaqiijiyo caafimaadkiisa iyo waajibka ka saaran caafimaadka intuu jecel yahay iyo bulshadiisa guud ahaan si aynu uga qayb noqono xakamaynta cudurka safmarka ee Coronavirus. Sida dHalkan Ka Daawo:Gudomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda JSL Farxaan Aadan Haybe Oo Fasaxay Dhamaan Shaqaalaha Somaliland Xuska Munaasibada 18 May Awgeed. | Qoryaale Newshakhtaradu ku taliyeen 14 cisho Hadii Allah ogolaado waa waajib in aan guriga fadhiyo isna takooro"