Dadwaynaha Reer Burco Ee Qurba Jooga Ah Oo Dareen Cadho Leh Ka Bixiyay Hadalkii Wasiirka Duulista Maxamuud xaashi Ka Soo Yeedhay Kadib Markii Madaarka Burco Noqday Mashruucii Faanoole Fari Kama Qodna.

0
Monday March 10, 2014 - 05:06:11 in by London Office
  • Visits: 1714
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadwaynaha Reer Burco Ee Qurba Jooga Ah Oo Dareen Cadho Leh Ka Bixiyay Hadalkii Wasiirka Duulista Maxamuud xaashi Ka Soo Yeedhay Kadib Markii Madaarka Burco Noqday Mashruucii Faanoole Fari Kama Qodna.

    Burco (Afk),Dadwaynaha Reer Burco Ee Qurba Jooga Ah Oo Dareen Cadho Leh Ka Bixiyay Hadalkii Wasiirka Duulista Maxamuud xaashi Ka Soo Yeedhay Kadib Markii Madaarka Burco Noqday Mashruucii Faanoole Fari Kama Qodna.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadwaynaha Reer Burco Ee Qurba Jooga Ah Oo Dareen Cadho Leh Ka Bixiyay Hadalkii Wasiirka Duulista Maxamuud xaashi Ka Soo Yeedhay Kadib Markii Madaarka Burco Noqday Mashuruucii Faanoole Fari Kama Qodna.
Burco (Afk),Dadwaynaha Reer Burco Ee Qurba Jooga Ah Oo Dareen Cadho Leh Ka Bixiyay Hadalkii Wasiirka Duulista Maxamuud xaashi Ka Soo Yeedhay Kadib Markii Madaarka Burco Noqday Mashruucii Faanoole Fari Kama Qodna.

Dadwaynaha Reer Burco Ee Qurba Jooga Ah Oo Dareen Cadho Leh Ka Bixiyay Hadalkii Wasiirka Duulista Maxamuud xaashi Ka Soo Yeedhay Kadib Markii Madaarka Burco Noqday Mashruucii Faanoole Fari Kama Qodna.Burco(AFK)- Wasiirka Wasaarada Duulista Iyo Hawada sare Ee Somaliland Maxamuud Xaashi Aayaa Doraad Tv Ga Qaranka kula hadlay xafiiskiisa waxaanu sheegay sida aan ka wada dheehanay saxafada maxaligaa ee madaxa banaan inuu dhowdhow yahay madaaarkii burco laguna guulaystay waasida uu hadalka u dhigay.

Madaarka gobolka togdheer xaruntiisa magaalada burco ayaa xidhnaa tan iyo sanadkii 2003 waxaana hada ka soo wareegtay 12 toban sano oo dhowdhow.Markii xukukumada hada dalka haysata ee uu gadh wadeenka ka yahay mujaahid axmed siilaanyo qabsatay talada ayay sheegtay in wax laga qabanaayo waxaana sidoo kale kusoo sheegeen olalihii xisbiga kulmiye ee dalka qabsaday.

Madaarka burco ayaa wasaiirka duulista balan qaaday inuu fulinaayo mudo kooban dib u shaqayntiisa lakiin hada u muuqda mid fashilaad ah madaama uu hada mudo 4 sano ku dhaw maalin walba shir jaraa'id ku sheegayo guul ayaanu ka gaadhnay madaarka burco dhawaana waan furaynaa waasida ay wasaarada duulistu dadka usoo tabiso lakiin saxafada ka hawl gasha gobolka togdheer Xaruntiisa Magaalada Burco ayaa u kuur gashay waxa ka xun madaarka iyo sababata markiiba hawshiisa looo soo af jariwaayay diyaaraduhuna uga haadiwayeen?

Madaarka ayaa ku yaala meel suuqa waxaana ka maqan waxayaalo badan oo madaarada caalamka iyo afrikaba leeyihiin waxaana looga baahanyahay wasiirka duulista inuu ka war keeno sababta madaarku u nqoday mashruucii faanoole fari kama qodna?,Marka aad barbar dhigto madaarada berbera iyo hargeysa ayaad ka naxaysa madaarka burco waayo waxaa loogu talo galay oo kaliya diyaaradaha yaryar ee qaada 15 qof inay soo caga dhigtaan mana ka soo dagi karaan diyaarad ka wayn balaceedu intaas waxaana dadku ka soo degayaan madaarka berbera kadibna waxaa loo sii xawilayaa diyaarada yar oo ka qaadi doonta berbera ilaa burco.

Macada sababta madaarka qadiimiga ah ee magaalada burco looga dhigay waxa kooban ilaa hada waxaan si toosa uga hadlin saxafada ka hawl gasha somaliland waxayna ka hadlaan oo kaliya madaarka hargeisa ee sida fiican loo dhisay marka aad barbar dhigto ka burco.

Dhanka kalena qurba jooga reer somaliland gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolka togdheer ayaa aad uga soo hor jeestay qaabka loo dhisayo madaarka waxayna aad uga xun yihiin in sida guryaha qabyadaa ee marba lacagtu ka godo loo taago madaarka, hada waxaa uu socdaa mudo ka badan sadexsano walina ma dhawa oo fari kama qodna ayuu yidhi muwaadin ka soo jeeda gobolka togdheer oo ku nool dalka china.

Sidoo Kale waxaa Ka Hadlay Qurba jooga gobolka togdheer ee wadamada Yurub maraykan carabta iyo afrika ayaa aad uga xumaaday qaabka loo wado iyo wakhtiga ay sugayeen madaarka oo hada u eeg mid shan sano oo kale socon doona lamana garanaayo wakhtiga rasmigaa ee uu soo dhamaanayo hadiiba lagu guulaysto ayay Iyo inuu noqon Doono madaar caalamiya iyo in kale?Dhanka kale wasiirka duulista ayaa isagu iska difaacay eedaymo loo soo jeediyay sheegayna in madaarku noqonaayo mid wayn oo fiican hayadii madaaraduna sheegtay oo xaqiijisay in si fiican diyaaraduhu uga soo degi donaan waa sida uu hadalka u yidhiy,e.

Isku soo wada duuduboo waxaa looga baahanyahay Wasiirka duulista somaliland maxamuud xaashi inuu ka run sheego qaabka wax u socdaan soona cadeeyo inta uu saxafada wada geeyo madaarka qaabka uu u socdo iyo inta sano ee ka hadhay kaliya tv ga qaranka ayuun buu ka sheega lakiin wali uma yeedhin tv yada kale oo shirna ugama qaban madaarka dhexdiisa marka laga reebo barigii qafilka dawlada riyaale kaga tagtay laga jaraayay.

Waxii wara ee ka soo kordha kala soco wararka yaga danbe ee aanu sida tooska idiin ku soo gudbino..//

 

 

 

 


Afkashacabka.Com

Burco/Office

Contact@Afkashacabka.Com