Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Cafis U Fidiyo Mulkiilaha Telefiishanka ASTAAN
Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Cafis U Fidiyo
Mulkiilaha Telefiishanka ASTAAN Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu
Cafis u fidinayo Mulkiilaha Telefiishanka Astan Cabdimanaan Yuusuf, kaasi oo
Saddexdii bilood ee u dambeeyay ku xidhnaa Hargeysa.
Ma Jiro War Rasmiya oo ku saabsan Cafiskan, balse ilo-wareedyo
ayaaWargeyska Geeska Afrikau sheegay in Madaxweynuhu uu Toddobaadkii
la soo dhaafay la kulmay Xubno ka mid ah Qoyska Mulkiilaha Astaan Cable
iyo Waxgarad is-xd is-xil-qaamay, kuwaasi oo Madaxweynaha ka dalbaday inuu
xorriyaddiisa u soo celiyo Cabdimannaan oo ah Muwaadin u dhashay Dalka
Soomaaliya.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweynuhu ka aqbalay Codsigaasi,
sidaasi darteed waxa la filayaa in Cabdimanaan uu dib xorriyaddiisa u helo,
marka uu Madaxweynuhu Cafiska u fidiyo.
Cabdimanaan Yuusuf ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex waxay laba
Toddobaad muddo laga joogo ku xukuntay 3 Sanadood oo xidhig ah, 2 Milyan
oo Shilin oo Ganaax ah iyo in la xayiro Telefiishankiisa Astaan, waxaana lagu
eedeeyay saddex Qodob oo ay ka mid ahaayeen Basaasnimo iyo in
Telefiishankiisu aanu si sharci ah dalka uga shaqaynayn.
Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Cafis U Fidiyo Mulkiilaha Telefiishanka ASTAAN
Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Cafis U Fidiyo Mulkiilaha Telefiishanka ASTAAN