Raisul Wasaaraha Yaman Oo Dadka Facebook-ga Isticmaala Ka Codsaday In Ay Ka Caawiyaan Xulidda Wasiirada Xukuumadiisa.

0
Friday November 07, 2014 - 13:22:28 in by Burco Office
  • Visits: 710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raisul Wasaaraha Yaman Oo Dadka Facebook-ga Isticmaala Ka Codsaday In Ay Ka Caawiyaan Xulidda Wasiirada Xukuumadiisa.

    Raisul Wasaaraha dalka Yemen ayaa markii ugu horeysay ee taariikhda boga ay bulshadu kuwada xidhiidho ku baahiyay codsi uu u jeedinayo bulshada dalkiisa oo ku aadan in ay la soo xulaan golihiisa wasiirada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raisul Wasaaraha dalka Yemen ayaa markii ugu horeysay ee taariikhda boga ay bulshadu kuwada xidhiidho ku baahiyay codsi uu u jeedinayo bulshada dalkiisa oo ku aadan in ay la soo xulaan golihiisa wasiirada.


Bogga uu facebook-ga ku leeyahay oo ay ku xidhanyihiin 33,000 oo qof ayuu ku baahiyay 1dii bishii November codsi ku aadan in ay dadku u soo gudbiyaan magacyada ay jeclaan lahaayeen in ay ku dhex arkaan golaha wasiirada soo socda ee dalka Yaman, codsigan ayaa ku guuleystay in ka badan 13,000 oo jawaabood oo dadweynuhu ka soo bixiyeen waxaana tani ay dhalisay dood ku aadan adeegsiga barta facebook-ga si loo yagleelo xukuumad cusub.

Kumanaan magac ayaa loo soo jeediyay Raisul Wasaaraha iyada oo dadweynuhu ay si weyn u soo dhaweeyeen talaabada uu Raisul Wasaaruhu qaaday.

Qof jawaab u celiyay Raisul Wasaaraha ayaa yidhi : "Waxaad tahay Raisul Wasaarihii ugu horeeyey dunida ee weydiiya dadkiisa fikradaha ay qabaan xili ay sugeyso hawl adag oo ah xukuumad loo dhanyahay tanina waxay kor u qaadi doontaa kalsoonida ay kugu qabaan dadkaagu sababta oo ah waxaad ka qaybgelisay hanaanka go’aan qaadashada.

Nin u dhashay dalka Yemen oo si weyn u dhaliili jiray dawlada dalkaasi oo la yidhaahdo Forea Al Muslimi ayaa si weyn u soo dhaweeyay taalabadan. "Siyaasiyiinta Yaman iyo sharci dejiyayaashuba waa dad iska qariya bulshada inteeda kale, keliya waxay soo muuqdaan marka ay dhibaato soo wajahdo iyaga oo aan dadka u soo banbixin marka ay qorshayaasha dejinayaan ama ay u baahanyihiin fikradaha dadka” sidaa waxa uu u sheegay barnaamijka BBC-da ee BBC Trending.

Dadweynaha qaar ayaa jawaabaha ay bixinayeen ay ahaayeen kuwo dadka ka qosliyey , mid ka mid dadkii jawaabaha bixinayay ayaa sheegay in uu haysto caruusad Yamaniyad ah si ay u soo doorto wasiirada loo baahanyahay, halka mid kale uu yidhi : "China ma ka soo dhoofin kartaa xukuumad sameysan oo diyaar ah”

Laakiin qaar kale oo ka mid ah dadweynaha ayaa ku tilmaamay qorshaha Raisul Wasaaraha mid ah ‘waan socon kari weynee aynu orodno’ : " Waxay u muuqataa inaad hore u guuldareysatay. Maadaama aad tahay Raisul Wasaare waa in aad yeelataa han kugu haga waxaad dooneyso inaad ku guuleysato… waxaan u baahannahay dawlad qaadda masuuliyadda dalka”

Mid kale oo ka mid ah dadka jawaabta ka bixiyay codsiga uu facebook-ga ku soo qoray Raisul Wasaaraha dalka Yaman ayaa soo qoray : " Raisul-wasaaruhu waxa uu baal marsanyahay masuuliyadiisii, waxaan la yaabanahay sidee bey 800,000 oo qof oo isticmaala facebook-gu ay u matali karaan dadka dalka Yaman oo tiradoodu kor u dhaafeyso 24 Milyan”.

Dawladani waxay noqon doontaa tii ugu horeysay ee masuuliyada qabata ka dib xasarado dhawaan ka qarxay halkaasi oo weli ay xiisadoodu taagantahay, ka dib go’aan lagu gaadhay in la joojiyo lacagaha lagu badhitaaro ceelasha shidaalka.

Xasaradahan ayaa horseeday iska horimaadyo hubeysan oo ka dhacay caasimada dalka Yaman kuwaas oo ugu danbeyntii sababay iscasilaada Raisul Wasaarihii dalkaasi Mohamed Basindowa.




Maxamed Aadan