Masuul Lagu Dilay Magaalada Laascanood, Ciidamada Amaanka Oo Baadhitaan Bilaabay & Xaaladihii Ugu Dambeeyay.

0
Wednesday November 18, 2020 - 12:35:52 in by salman abdi
  • Visits: 360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuul Lagu Dilay Magaalada Laascanood, Ciidamada Amaanka Oo Baadhitaan Bilaabay & Xaaladihii Ugu Dambeeyay.

    Masuul Lagu Dilay Magaalada Laascanood, Ciidamada Amaanka Oo Baadhitaan Bilaabay & Xaaladihii Ugu Dambeeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuul Lagu Dilay Magaalada Laascanood, Ciidamada Amaanka Oo Baadhitaan Bilaabay & Xaaladihii Ugu Dambeeyay. Wararka aan ka heleyno Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay fiidnimadii hore halkaas lagu dilay Mas’uul ka tirsan Maamulka degmada Laascaanood. Rag ku hubeysnaa Bastoolad ayaa xaafad ka tirsan Magaalada ku dilay Mas’uulka, xili uu kusii jeeday hoygiisa, isla markaana waxaa qeybaha sare ee jidhka lagaga dhuftay rasaas dhowr ah, isagoona goobta ku geeriyooday. Marxuumka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Salaad Wadaadyare, wuxuuna ka tirsnaa Garsoorka Maxkamada Magaalada Laascaanood, waxaana goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas, sida warar xog ogaal ahi u sheegayaan Karin News Ciidammo kala duwan ayaa tegay goobta, isla markaana qaaday Meydka Cabdullaahi Wadaadyare, iyagoona intaas ka sameeyay howlgalo kala duwan oo ay ku raadinayaan raggii hubeysnaa, in kastoo aan lagu guuleysan in la qabto. Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa hore uga dhacay dilal loo geystay Mas’uuliyiin iyo Askar ka tirsan ciidammada Somaliland.