Xukuumadda Somaliland Oo Soomaaliya U Masaafurisay Lammaane Is Qaba Oo Lagu Eedeeyay Inay Diinta Kiristaanka Faafinayeen

0
Wednesday November 18, 2020 - 18:58:29 in by salman abdi
  • Visits: 328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo Soomaaliya U Masaafurisay Lammaane Is Qaba Oo Lagu Eedeeyay Inay Diinta Kiristaanka Faafinayeen

    Xukuumadda Somaliland Oo Soomaaliya U Masaafurisay Lammaane Is Qaba Oo Lagu Eedeeyay Inay Diinta Kiristaanka Faafinayeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland Oo Soomaaliya U Masaafurisay Lammaane Is Qaba Oo Lagu Eedeeyay Inay Diinta Kiristaanka Faafinayeen

Xukuumadda Somaliland ayaa dalka ka masaafurisay lammaane is qaba, oo lagu eedeeyay inay dalka ku faafinayeen diinta Kiristaanka.

Lammaanahan oo ay ciidamada Booliska Somaliland xabsiga u taxaabeen 21 September, ka dib markii gurigooda laga helay qoraalo iyo dhukumentiyo kale oo diinta Kiristaanka ah, ayaa dhawr goor la horgeeyay maxkamadda gobalka Hargeysa, waxaana aakhirkii la go’aamiyay in loo masaafuriyo magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya oo uu ninku ka soo jeeday. Haweenayda ayaa la sheegay inay u dhalatay Somaliland.

Wakiilo ka socday dawladaha reer Yurub ayaa la sheegay inay dawladda ka dalbadeen in la sii daayo lammaanahaas, laakiin waxa la sheegay in dawladu diiday, aakhirkiina ay go’aamisay in dalka laga masaafuriyo.