Muqdisho Oo Yeelatay Madaxtooyo Labaad Iyo Daad U Soo Galay Madaxweyne Farmaajo.

0
Wednesday November 25, 2020 - 18:02:23 in by salman abdi
  • Visits: 418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho Oo Yeelatay Madaxtooyo Labaad Iyo Daad U Soo Galay Madaxweyne Farmaajo.

    Muqdisho Oo Yeelatay Madaxtooyo Labaad Iyo Daad U Soo Galay Madaxweyne Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho Oo Yeelatay Madaxtooyo Labaad Iyo Daad U Soo Galay Madaxweyne Farmaajo. Dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo dadka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa isha ku haya arrimaha ku xeyn daaban iyo natiijada guud ee laga filayo inay noqoto mid bedesha jihada aan cidina saadaali karin ee dalku ku socdo, waxaana taa bedelkeeda meesha ka baxay dhaqdhaqaaqyadii siyaaseed ee kale iyo la socodka howlaha Villa Somalia iyo dowladda inteeda kale. Dhammaan siyaasiyiinta, dadka u dhuun daloola siyaasadda iyo bulshada kale ee miisaanka culus leh ayaa noqday qaar iska xaadiriya hotel Jazeera iyo qaar kale oo xogta daqiiqad daqiiqad ula socda, waxaa kale oo jira dad badan oo markii hore ku xirnaa Villa Soomaaliya oo ka diga rogtay una soo jabay dhinaca Hotel Jaziira oo uu ka socda shirka midowga musharaxiinta. No description available. Wixii ka horreeyay July 25,2020, wararka dowladda iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee bulshada aad ayey dadku ula socdeen, waxaana yaraa dhaq-dhaqaaqyada siyaasiga ah ee dhanka mucaaradka taa bedelkeeda, hadda arrintu waxay u wareegtay dhanka kale oo Mucaaradkii ayaa la wareegay sameynta wararka iyo hadal heynta bulshada. Dadka wax falanqeeya qaarkood ayaa ku adkeysanaya in shaqsiga markii horaba lagu dhaq-dhaqaaqayay ee dowladda jirtaahi ay ku duuleysay uu ahaa Xasan Cali Khayre oo howsha kala weday, hadana isagii uu dhanka kale kasoo jeestay, uuna dhiig cusub ku shubay siyaasiyiintii sedaxsa sano iyo barka la wareegi la’aa dareenka bulshada. Niyad jab iyo culeys ayay ku tahay Villa Soomaaliya in maalinba maalinta ka dambeysa ay sii lumiyaan dadkii ay isugu dhawaayeen iyagoo arkaayana ay ku fakar noqdaan Xasan Cali Kheyre iyo musharaxiinta shiraya. Markii ay waayeen garbo ay ku tashanayeen siyaasad ahaan Farmaajo iyo saaxiibkiis Fahad hada waxaa muuqda in ay talo ku cadaato, waxaana u furan oo kaliya in ka waji dadbadaan dalka iyo dalka maadaama boobkii doorashada ee ay damacsanaayeen uu noqonayo gugac gadaal u da’ay. Xaalka Muqdisho ayaa hada lagu sifeyn karaa in magaaladu yeelatay lama madaxtooyo mid waa Villa Soomaaliya mida kalena waa Hotel Jaziira oo iyado ka xoog badan madaxtooyada runta ah, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xasan Cali Kheyre, Madaxweyneyaal hore iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah.