Ruushka Oo Ku Baaqay In Deg-deg Dib Loogu Bilaabo Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya

0
Thursday November 26, 2020 - 10:07:13 in by salman abdi
  • Visits: 130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka Oo Ku Baaqay In Deg-deg Dib Loogu Bilaabo Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya

    Ruushka Oo Ku Baaqay In Deg-deg Dib Loogu Bilaabo Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ruushka Oo Ku Baaqay In Deg-deg Dib Loogu Bilaabo Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya Dawladda Ruushka ayaa markii ugu horraysay ka hadashay Wada-hadalladii hakadku ku yimid ee u socday Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya. War qoraal ah oo shalay ka soo baxay Ergada Dawladda Ruushka u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa waxa Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo lagu bogaadiyey horumar la sheegay in Dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamul-gobolleedyada Soomaaliya ka gaadheen diyaarinta doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya. Ruushka ayaa Warka uu soo saaray wuxuu Dawladda Soomaaliya ugu baaqay inay Somaliland dib u bilowdo Wada-hadalladii hakadku ku yimid ee Somaliland "Waxaan bogaadinaynaa Horumarka Wadahadalka siyaasasdeed ee u dheexeeya Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-gobolleedyada ee laga gaadhay diyaarinta Doorashooyinka.” Ayaa lagu yidhi Warka ka soo baxay Ergada Dawladda Ruushka u qaabilsan Qaramada Midoobay, kaasi oo intaa ku daray "Waxaanu Dawladda (Soomaaliya) si dhakhsi ah uga rajeynaynaa inay dib u bilowdo Wada-hadalladii Somaliland iyo inay xidhiidh Caadiya la samaysayo