Shir Lagaga Hadlaayo Maalgashiga Somaliland Oo Ka Furmay Kenya

0
Monday December 07, 2020 - 09:24:04 in by salman abdi
  • Visits: 356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Lagaga Hadlaayo Maalgashiga Somaliland Oo Ka Furmay Kenya

    Shir Lagaga Hadlaayo Maalgashiga Somaliland Oo Ka Furmay Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir Lagaga Hadlaayo Maalgashiga Somaliland Oo Ka Furmay Kenya - Shir lagaga hadlaayey sidii ganacsata Soomaalida ee ku sugan dalka Kenya ay u maalgashan lahayeen Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay ka furamay Caasimada Nairobi. Ku xigeenka Safiirka Somaliland ee dalka Kenya, Sharmarke Axmed Muxumed Geelle ayaa sheegay in Kulankan lagu casuumay tiro kamid ah Ganacsatada Soomaalida ee maalgashiyada baaxada leh ka sameeyey dalalka Bariga Afrika, kulan ayaa waxa si wada jir u soo agaasimeen Wasaaradda Maalgashiga iyo Safaaradda Somaliland ee Dalka Kenya.


Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Jamhuuriyada Somaliland ayaa ganacsatada la wadaagay fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland iyo kaabayaasha sahlaya maalgashiga oo ay kamid yihiin; khayraadka dihin, nabadgelyadda, baddaha, dhallinyaradda tirada badan ee aqoonyahanka ah iyo siyaasadaha ay Dawladdu u diyaarisay in ay ku soo jiidato maalgashiga.

Ganacsatada Soomaalida ayaa waydiimo iyo warcelin kadib dhankooda bogaadiyey kulankan bar bilowga ah iyaga oo dhankoodana cabiray muhiimada kulankan iyo xogta wanaagsan ee ay ka ogaadeen maalgashiga Somaliland.