Ciimada Dowladda Nigeria Oo Sheegay In Ay Ogaadeen Halka La Geeyay Ardyadii la Afduubay.

0
Sunday December 13, 2020 - 09:56:33 in by salman abdi
  • Visits: 305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciimada Dowladda Nigeria Oo Sheegay In Ay Ogaadeen Halka La Geeyay Ardyadii la Afduubay.

    Ciimada Dowladda Nigeria Oo Sheegay In Ay Ogaadeen Halka La Geeyay Ardyadii la Afduubay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciimada Dowladda Nigeria Oo Sheegay In Ay Ogaadeen Halka La Geeyay Ardyadii la Afduubay.

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in militarigeeda ay ogaadeen goobta ay ku sugan yihiin rag hubaysan oo afduub u geystay tiro ardey ah oo dhiganaysay iskuul ku yaalla gobolka Katsina ee waqooyiga dalkaasi.

Bayaan uu soo saaray Sabtidii madaxwayne Muhammadu Buhari ayaa lagu sheegay in militariga oo kaashana taageero dhanka cirka ah ay rasaas is weydaarsadeen ragga afduubka geystay goob keyn ah oo gobolkaasi ku taalla.

Dowladda Ayaa waxaa haysta cadaadis ku aadan sidii ay ula dagaalami lahayd kooxda Boko Haram ee dalkaasi ka howlgala.

Waa in xukuumadu ay muujisaa in ciidamada ammaanka ay la tacaalayaan xaaladdan adag ee halkaasi ka taagan.

Waxaa sii kordhaya carada ku aadan ammaan darada iyo dhibaaatada ay dalkaasi ku hayaan kooxda Boko Xaram ee ka howlgasha.

Waxaa xaaladda sii murjiyay ka dib markii dagaalyahanno Jihaad-doon ah ay bishii aanu soo dhaafnay tira dad beeraley ah ku dileeen gobolka Borno.

Sabtidii madaxwayne Buhari ayaa waxaa uu cambaareeyay weerarkii loo geystay iskuul ay dowladda leedahay oo lagu dhigto Seyniska kaasi oo ku yaalla Kankara islamarkana waxaa laamaha ammaanka uu ku amray inay soo qabtaan dadkii weerarka geystay.

Boorka iskuulka la weeraray

XIGASHADA SAWIRKA,GAIL KANKARA


Waxaa ilaa iyo imika la la'yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen boqollaal ka mid ah ardeydii dhiganaysay iskuulkaasi ku yaalla gobolka katsina.

Iskuulkan sare ee ay dowladda ku leedahay gobolkaasi ayaa waxaa dhiganayay ardey gaareysa 800.

Taliyaha booliiska Nigeria ayaa amray in ciidamo dheeraad ah loo daadgureeyo gobolka Katsina, halkaasi oo militariga iyo laamaha kale ee ammaanka ay la shaqeyn doonaan.

Dhanka kale barasaabka gobolka Katsina Aminu Bello Massari ayaa amray in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xiro dhammaan iskuulada ay habeenkii seexdaan ardeyda gobolkaasi.