Ra'iisal Wasaare Rooble'' Waa in deg deg loo soo qabtaan dadkii ka danbeeyay dilka saraakiisha

0
Wednesday December 16, 2020 - 12:41:01 in by salman abdi
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal Wasaare Rooble'' Waa in deg deg loo soo qabtaan dadkii ka danbeeyay dilka saraakiisha

    Ra'iisal Wasaare Rooble'' Waa in deg deg loo soo qabtaan dadkii ka danbeeyay dilka saraakiisha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal Wasaare Rooble'' Waa in deg deg loo soo qabtaan dadkii ka danbeeyay dilka saraakiisha

Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa isaga oo ku sugan magaalada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud amar ku bixiyay in deg deg loo soo qabto dadkii ka danbeeyay dilka saraakiishii dhawaan lagu laayay waddada isku xirta degmooyinka Guri-ceel iyo Ballanbale.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegay in dadka falkaasi ka danbeeyay ahaayeen kuwo arxan -laawayaal ah, isaga oo amaray laamaha nabad-galyada Galmudug in ay deg deg u soo qabtaan si sharciga loo horkeeno.

War hor dhac ah oo ay soo saareen guddi ay dhawaan Galmudug baaritaanka arintan u saartay waxaa ay ku sheegeen in ay qabteen dad lagu tuhusan yahay in ay ku lug lahaayeen weerarka lagu dilay saraakiisha, balse wali baaritaan lagu hayo.

Sababta toogashada saraakiisha ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto aano qabiil, hasse ahaatee waxaa arintaa ka hor yimid taliska ciidanka militariga oo mas'uuliyada weerarkaa dusha uga tuuray wax ay ugu yeereen argagixisada.