Wax Badan Ka Ogow Ciyaartoyda Uu Tababaraha Spain Del Bosque U Soo Xushay Qarankiisa

0
Saturday November 08, 2014 - 10:07:17 in by Burco Office
  • Visits: 1037
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Badan Ka Ogow Ciyaartoyda Uu Tababaraha Spain Del Bosque U Soo Xushay Qarankiisa

    Tababaraha Spain ee Del Bosque ayaa doonaya inuu wax wayn ka badalo kooxda xulka qaranka Spain kadib markii ay ceebi ka soo gaadhay tartankii koobka aduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Spain ee Del Bosque ayaa doonaya inuu wax wayn ka badalo kooxda xulka qaranka Spain kadib markii ay ceebi ka soo gaadhay tartankii koobka aduunka.



FBL-WC2014-ESP-FIN-SQUAD

 Del Bosque ayaa doonaya inuu da’yar badan ku soo kordhiyo xulka qarankiisa iyadoo ay ciyaartoydii hore ee Spain sii duqoobayaan.

Kooxda uu soo xushay Del Bosque ayay celcilis ahaan da’doodu tahay 25.82. halka koobkii aduunka ciyaartoyda uu xushay ay celcelis ahaan da’doodu ahayd 28.75. Del Bosque ayaana ka fikiraaya tartanka Euro 2016.

Waxaa xulka qaranka Spain ka fadhistay Xavi Hernandez, Xabi Alonso, Arbeloa halka Torres, Llorente Navas, Negredo ayna u muuqan inay qorshihiisa ka midnoqon doonaan.

Haddaba halkan kaga bog ciyaartoyda uu Del Bosque u soo xushay xulka qarankiisa, kooxaha ay ka tirsan yihiin, inta kulan ee ay Spain u safteen iyo waliba da’doodu.

De Gea (Manchester United) . 24 sano. 3 kulan

Casillas (Real Madrid). 33 sano. 158 kulan

Kiko Casilla ( Espanyol). 28 sano. Wax kulan ah muu ciyaarin

Sergio Ramos (Real Madrid). 28 sano. 122 kulan

Piqué ( Barcelona). 27 sano. 63 kulan

Albiol ( Naples). 29 sano. 49 kulan

Bartra (Barcelona ) . 23 sanp. 3 kulan

Jordi Alba ( Barcelona). 25 sano. 32 kulan

Azpilicueta ( Chelsea). 25 sano. 9 kulan

Bernat ( Bayern). 21 sano. 1 kulan.

Juanfran ( Atlético). 29 sano. 11 kulan

Busquets ( Barcelona). 26 sano. 72 kulan

Ignacio Camacho ( Málaga) 24 sano. Wax kulan ah muu ciyaarin

Cesc ( Chelsea). 27 sano. 94 kulan

Koke ( Atlético). 22 sano. 14 kulan

Isco (Real Madrid). 22 sano. 4 kulan

Raúl García ( Atlético). 28 sano. 1 kulan.

Alley ( Naples). 27 sano wax kulan ah muu ciyaarin

Morata ( Juventus). 22 sano wax kulan ah muu ciyaarin

Cazorla ( Arsenal). 29 sano. 68 kulan

Nolito ( Celtic ) , 28 sano wax kulan ah muu ciyaarin

Pedro ( Barcelona). 26 sano. 46 kulan

Alcacer ( Valencia). 21 sano. 4 kulan


contact@afkashacabka.com