Meelaha Ay Ku Kala Badin Karaan Liverpool vs Chelsea Iyo Xogaha Ku Duugan Kulankan

0
Saturday November 08, 2014 - 10:14:14 in by Burco Office
  • Visits: 1020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meelaha Ay Ku Kala Badin Karaan Liverpool vs Chelsea Iyo Xogaha Ku Duugan Kulankan

    Kulankaan waa kulanka ugu adag isbuucaan horyaalka Ingiriiska gaar ahaan sidoo kalana waa mid ka mid ah kulamada ugu adag horyaalada ugu waaweyn yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankaan waa kulanka ugu adag isbuucaan horyaalka Ingiriiska gaar ahaan sidoo kalana waa mid ka mid ah kulamada ugu adag horyaalada ugu waaweyn yurub.

 

PLP11


Hadaba Anfield ayuu ka dhici doonaa iyadoo labada kooxood ay haatan kala martabad sareeyaan. Chelsea waa hogaanka horyaalka iyadoon wali la kulmin hal guuldaro, halka Liverpool ay fadhiso booska 7-aad.

Hadaba waxaa lasoo calaameeyay sadex isku dhac oo go’aan ka gaari kara kulanka galabta.

DEJAN LOVREN VS DIEGO COSTA

Labada xidig waa kuwo ku cusub labada kooxood xili ciyaareedkaan ayeyna kusoo wada biireen inkastoo Lovren uu horay EPL-ka uga ciyaari jiray.


Lovren wali xal uma helin dhaliisha daafaca kooxda balse waa xidigaha ugu maqaamka sareeya Liverpool marka shaxda la eego, inkastoo uu galabta wajahayo wiil EPL-ka si dhaqso ah ula qabsaday isagoo dhaliyay 10-gool kulamadii uu ciyaaray inkastoo kulamadii ugu dambeeyay uu dhaawac dhanka muruqa ah ku maqnaa.

Hadaba labadaan xidig habacsanaanta iyo waxqabadka ay muujiyaan waa u muhiim kulankaan.

STEVEN GERRARD VS CESC FABREGAS

Kabtanka Liverpool Gerrard ayaa la nasiyay kulankii Real Madrid ee Champions League si uu si adag u shaqeeyo kulanka ay wajahayaan Liverpool maanta waxaana ka hor imaanaya wiilka reer Spain Cesc Fabregas kaas oo kusoo labashadiisa EPL-ka shaqo fiican qabtay madama uu caawinaada ugu badan sameeyay xili ciyaareedkaan, labadan xidig waxey caawin karaan kooxahooda dhibaatada ay abuuraan ayeyna dhibcaha ku imaan karaan 60%.

MARIO BALOTELLI VS JOHN TERRY

Inakastoo uusan kasoo bixin kaalinkii laga filyay Mario hadana wali cabsida laga qabo ma yara madama uu yahay xidig waxqabad muuqda ka sameeyay EPL-ka xiligiisii Manchester City, balse ilaa haatan shabaqa sooma taaban inkastoo uu wajahayo daafaca Chelsea oo lagu tilmaamo midka ugu adag xili ciyaareedkaan.

Terry waa kabtan dagan oo kooxdiisa mar walba hogaan u ah inkastoo u da’yahay hadana wixii kasoo baxa isaga iyo Balotelli waxey faa’ido ugu jirtaa labada kooxood.

contact@afkashacabka.com