Waa sidee xaalada magaalada Gaalgacyo qarixii ismiidaaminta ka dib?

0
Saturday December 19, 2020 - 09:21:35 in by salman abdi
  • Visits: 331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa sidee xaalada magaalada Gaalgacyo qarixii ismiidaaminta ka dib?

    Waa sidee xaalada magaalada Gaalgacyo qarixii ismiidaaminta ka dib?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa sidee xaalada magaalada Gaalgacyo qarixii ismiidaaminta ka dib?

Shalay maqribkii waxaa magaalada Galkacyo ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa oo lala beegsaday saraakiil ka tirsanaa ciidamada Soomaaliya iyo dad rayid ah oo ka ga dhawaa.

Xaaladda magaalada ayaa saaka deggan balse shacabka ayaa waxay ku noqotay arggagax oo ilaa haatan la fajacsan.

Qaraxa oo dhimasho iyo dhaawacba geystay ayaa ka dhacay meel aan ka fogayn garoonka kubadda cagta ee Cabdillaahi Ciise ee koonfurta Gaalkacyo oo ay markaa iskuugu yimaadeen shacab badan oo doonayey in ay ku soo dhaweeyaan Ra'isal wasaaraha Soomaaliya oo ku soo aaddanaa.

Shacab 12 qof kor u dhaafaya ayaa ku dhaawacmay qaraxa iyadoona la sheegayo in inta badan dhaawacyada ay sahlan yihiin balse ay jiraan afar qof oo uu dhaawacooda liito, maanta ayaana la filayaa in dhaawacyada culus loo qaado magaalada muqdisho.

Dadka ku dhintay qaraxan, oo la rumeysan yahay inuu fuliyay qof walxaha qarxa isku soo rakibay, waxaa ka mid ah:

Taliyihii qeybta 21-aad ee milatariga xoogga Soomaaliya, Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari),

Taliyiyihii Ciidamada danab, qeybta Galmudug, Korneyl Muqtaar Cabdi Aadan.

Taliye ku xigeenkii ciidanka danab, qeybta Galmudug, Dhamme C/raxmaan Mire Cali.

Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo- Qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey).

.

XIGASHADA SAWIRKA,ABDIRAHMAN ABDISHAKUR WARSAME/FB

Qabanqaabada soo dhoweynta waftiga Ra'isulwasaaraha ayaa halkaas ka socotay markii uu qaraxa dhacayay.

Dhowaan ayay ahayd markii qarax uu ka dhacay Gaalkacayo, kaas oo lala eegtay xarun dowladdeed.