Wasiirka Caddaalada Oo Ka Jawaabay Su'aal Muran Galinaysa Xasuuqii Dalka Ka Dhacay Oo La Waydiiyey oo uu sheegay ina aan wajibaadkoodi lamarin cidii gaystay xasuuqa

0
Monday March 10, 2014 - 07:29:40 in by Super Admin
  • Visits: 950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Caddaalada Oo Ka Jawaabay Su'aal Muran Galinaysa Xasuuqii Dalka Ka Dhacay Oo La Waydiiyey oo uu sheegay ina aan wajibaadkoodi lamarin cidii gaystay xasuuqa

    Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Somaliland, Xuseen Axmed Caydiid, ayaa sharaxay waxyaabaha lagu garan karo in la xasuuqay 44-ka Marxuum ee shalay lagu aasay Magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay inay jiraan rasaas laga helay lafaha dadka meydkooda la he

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Somaliland, Xuseen Axmed Caydiid, ayaa sharaxay waxyaabaha lagu garan karo in la xasuuqay 44-ka Marxuum ee shalay lagu aasay Magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay inay jiraan rasaas laga helay lafaha dadka meydkooda la helay, isla-markaana la helay xadhkihii la isugu xidhay dadkan lafahooda la helay.

Wasiirka Caddaalada Somaliland, oo shalay ka qayb-galay aas qaran loo sameeyay 44 marxuum oo meydkeeda ay goobihii sida sharci darada ah loogu aasay ay ka soo saartay hay’adda EPAF, oo baadhitaan ku samaynaysa xasuuqii Somaliland ka dhacay, ayaa wareysi uu siiyey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA,ayuu sidoo kale ku sheegay in aanay jirin meel Somaliland ku caddaysay inaanu dalkeeda ka dhicin xasuuq.

 

 

Wasiirka oo ugu horeyn sharaxaya arrimahaasina waxa uu yidhi "Waxa lagu garan karaa marka xabaasha la baadho waxa loogu tagaa calaamado xaqiijinaya dadkaasi intaanay dhiman in nolol lagu qabtay, inay mayd ahaayeen, waxa lagu garan karaa calaamado kale oo sheegaya in inta la qabtay si arxan daro ah loo dilay, sida loo aasay ayaana lagu garan karaa oo way iska hor iyo dabo jeedaan, rasaastii lala dhacay ayaa ka muuqata lafahooda oo dal daloolisay oo qofkay Madaxa kaga dhacday iyo kii ay lafta jabisayba laga arki karaa, qaarkoodna qumacyadii ayaa jidhka fadhiistay, iyada oo xabaalaha la faqay laga helayo birtii qumaca, xadhkihii la isugu xidh xidhay iyaga oo nool si aanay u baxsan ayaa la helayaa, markaas wax isku qaldami kara maaha qof duumo dishay oo si caadi ah loo aasay iyo dadka sidaas oo kale loo laayey.”

 

 

Wasiirka caddaalada Somaliland ayaa waxa uu sheegay inaanay Somaliland aqoonsan in wixii loo geystay shacabkeedu aanu ahayn xasuuq, waxaanu tilmaamay in dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay xasuuqyo kale ka gaysatay gudaha Magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu bar tilmaameedsanayey shacabka ka soo jeeda Somaliland, waxaanu yidhi "Horta Somaliland meel ay ku aqoonsatay inaan xasuuq lagu samayn garan maayo, kii ka dhacay xeebta Jaziira dad reer Somaliland ah ayuu ku wajahnaa oo dawlad ayaa geysatay, wixii waqooyi ka dhacayna dawlad ayaa geysatay oo dadka reer Somaliland ayey ku dhacday, dadka Somaliland waxa gaadhay meelna kamay dhicin, haddii intii uu qaranka Soomaliyeed burburay ee hubku gacanta dadweynaha galay dad wixii uu is yeelay tooda way ka duwan tahay tan Somaliland ka dhacday, qarankii dadka masuulka ka ahaa ee cashuurta uu qaadayey ku ilaalin lahaa ee masuuliyada iyagu ka saarnay inay nolol wanaagsan u horseedaan oo ay ku hogaamiyaan ayaa gaystay oo loo tirinayaa, qabiil loo tirin maayo qof qofna loo tirin maayo”

 



AFKASHACABKA.COM
HARGAYSA/OFFICE
CONTACT@AFKASHACABKA.COM