Dowladda Talyaaniga Oo Puntland Gaadhsiisay 13 Tan Oo Ah Gargaar Mucaawinno

0
Sunday December 20, 2020 - 17:03:49 in by salman abdi
  • Visits: 398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Talyaaniga Oo Puntland Gaadhsiisay 13 Tan Oo Ah Gargaar Mucaawinno

    Dowladda Talyaaniga Oo Puntland Gaadhsiisay 13 Tan Oo Ah Gargaar Mucaawinno

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Talyaaniga Oo Puntland Gaadhsiisay 13 Tan Oo Ah Gargaar Mucaawinno  Puntland ayaa maanta deeq gargaar ah oo loogu talo galay dadkii ku waxyeeloobay duufaantii GATI kala wareegtay dowladda Talyaaniga oo usoo wakiilatay hay’addeeda iskaashiga horumarinta. Duufaantii GATI ee ku dhufatay xeebaha gobolka Bari, Dowladda Talyaaniga ayaa waxay noqotay dowladdii koowaad ee ka qayb qaadata gargaarka dadka duufaanto saamaysay. Gargaarkaan oo gaarayay 13 Tan oo isugu jiray qalabka gargaarka iyo xirmooyinka caafimaadka, ayay dowladda Talyanaiga ugu talo gashay si looga jawaabo daadadkii ugu dambeeyay ee ka dhashay duufaantii GATI. Wasiirro katirsan maamulka Puntland, ayaa shixnadan kula wareegay magaalada Bosaso halkaas oo ay soo cago dhigatay diyaarad xamuul ah oo gargaarkan xalay kasoo qaaday magaalada Brindisi ee gobolka Apulia ee koonfurta Italy.