Dawlada Kenya Oo Suuq Kale U Raadineysa Ganacsiga Qaadkii Imaan Jiray Soomaaliya.

0
Wednesday December 23, 2020 - 11:47:10 in by salman abdi
  • Visits: 374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Kenya Oo Suuq Kale U Raadineysa Ganacsiga Qaadkii Imaan Jiray Soomaaliya.

    Dawlada Kenya Oo Suuq Kale U Raadineysa Ganacsiga Qaadkii Imaan Jiray Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Kenya Oo Suuq Kale U Raadineysa Ganacsiga Qaadkii Imaan Jiray Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa hadda ka fikireysa in ay dalal kale u weecido ganacsiga Qaadka oo markii hore loo soo dhoofin jiray dalka Soomaaliya, kaddib markii uu go'ay xiriirka labada dowladood Soomaaliya iyo kenya. Wasaaradda Ganacsiga ayaa qorsheyneysa inay raadiso seddex suuq oo cusub oo loo dhoofiyo Qaadka iyadoo khilaafka diblomaasiyadeed ee labada dal Kenya iyo Soomaaliya uu dib u dhac ku keenay soo laabashada suuqii ugu weynaa Qaadka Kenya ee Soomaaliya. Xoghayaha guud ee Wasaarradda Ganacsiga Kenya Johnson Weru oo la kulmay wafdi ganacsato ah oo uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Meru Kiraitu Murung ayaa sheegay in wasaaradu ay bilaabi doonto qaabilaada wadamo ay ka mid yihiin Jabuuti, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo iyo Mozambique. Mr Weru ayaa sheegay in wasaaraddu ay warbixinno horumarineed ka bixin doonto suuqyada cusub dhammaadka bisha Maarso ee sannadka soo socda "Waxaan helnay codsi ka yimid beeraleyda waxaan wadahadal la furi doonaa Jabuuti, DR Congo, Mozambique iyo wadamada kale ee Africa, waa in ay la yimaadaa beeraleydu sharuucda wadamada aan la ganacsanayno," ayuu yiri Mr Weru. Inkastoo xiriirka labada dowladood ee dariska ah Kenya iyo Soomaaliya bilihii ugu danbeeyayba uusan wanaagsaneyn, haddana waxaa jira cadaadis labada dalba lagu saarayo in ay ka heshiiyaan wixii khilaafaad ah ee jira.