Chelsea Oo Anfield Ku Garaacday Liverpool Isla Markaana Xajisatay Hogaanka Horyaalka + Daawo Sawirada

0
Saturday November 08, 2014 - 17:54:02 in by Burco Office
  • Visits: 1221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Oo Anfield Ku Garaacday Liverpool Isla Markaana Xajisatay Hogaanka Horyaalka + Daawo Sawirada

    Laba gool oo ay kala dhaliyeen Gary Cahil iyo Diego Costa ayaa Chelsea siiyay guul ay ka gaarto Liverpool, iyadoo hogaanka dheereysatay waxeyna haatan 7-dhibcood ka sareysaa Southampton oo kusoo xigta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Gary Cahil iyo Diego Costa ayaa Chelsea siiyay guul ay ka gaarto Liverpool, iyadoo hogaanka dheereysatay waxeyna haatan 7-dhibcood ka sareysaa Southampton oo kusoo xigta.

Liverpool




Emre Can ayaa durba beegsaday goolka Chelsea markii uu fursad ku helay daqiiqadii 1-aad ee ciyaarta, John Terry ayey ku dhacday taasoo ka dhigtay in kubadii koorno baxdo.

Emre Can ayaa daah furay ciyaarta isagoo hogaanka u dhiibay Liverpool daqiiqadii 9-aad ee ciyaarta markii uu kubad ka laaday meel ka baxsan diilinta ganaaxa walow ay kubada ku dhacday Cahill taasoo dhinac qaldan u dirtay goolhaye Courtios.

Gary Cahill ayaa barbaro u keenay kooxda Blues daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta markii uu dhameystiray gool la isku murgay oo goolhaye Mignolet uu si qurux badan usoo badbaadiyay madax uu riday Diego Costa.

Coutinho ayaa si qurux badan usoo dhex jiiray xidigaha khadka dhexe Chelsea, inkastoo kubadii uu goolka la beegsaday uu iska soo celiyay goolhaye Courtios, balse lama helin qof ka faa’ideysta Terry ayaana koorne u saaray daqiiqadii 25-aad ee ciyaarta.

Ramires ayaa kubad kasoo dahay Moreno oo martamaha garoonka taagnaa, inkastoo uu si fudud ugu gudbiyay Oscar oo isna kubada si qurux badan ugu dhigay Hazard oo kubada ku garaacay Johnson.

Mar kale Oscar ayaa kubad u qiyaanay Ramires oo isna kubada si qurux badan ula galay xerada ganaaxa, Hazard oo taagnaa afaafka hore ee goolka Liverpool ayuu u gudbiyay, balse kubadii guu goolka la beegsaday Johnson ayey mar kale ku dhacday.


Ciyaarta qeybteeda hore, Diego Costa iyo Martin Skrtel ayey shaqaaqooyin dhexmareen, walow labada xidig la xasuusto iney isku dhaceen kulan ay xulka Slovakia oo uu hogaamiyo Skrtel ay garaaceen xulka Spain oo uu kasoo jeedo Costa.

Liverpool ayaa qaladaad sameyneysa iyadoo qalad ay gashay ay isku day ku sameysay Chelsea, Hazard ayaana ku helay fursad qaali ah, balse kubad uu goolka la beegsaday goolhaye Mignolet ayaa tartiib u qabsaday.

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-1, iyadoo Liverpool ay kubad heysashada ku sareysay halka Chelsea ay ku sareysay goosha la beegsado.

Qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay Eden Hazard ayaa kubad qurux badan u gudbiyay Diego Costa, inkastoo Moreno iyo Lovren ay la hardameen hadana Costa ayaa sida Baaskiilka kubad ugu laaday goolka Liverpool, balse ma noqon.

Raheem Sterling ayaa kubad qurux badan geesta kala soo galay, inkastoo uu si qurux badan uga xariiftamay daaaca hadana goosha ayuu kubad joog hoose la beegsaday balse Courtios ayaa si hal-haleel ah isaga badbaadiyay.

Chelsea ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta markiiAzpilicueta uu si qurux badan usoo jiiray Coutinho, si qurux badan ayuu kubad joog sare u keenay, Mignolet ayaa kubad ka qalday Oscar oo madaxee is lahaa balse Diego Costa ayaana ka fa’ideystay oo darbo culusgool ugu badalay kooxdiisa.

waxanay ku soo dhamaataya ciyaartu 2iyo 1 gool ay chelsea guul ku gaadhay 

HALAKAN KA DAAWO SAWIRO DHEERI AH




Cabdirisaaq cabdilaahi aadan  (koronto)

burco/office

koronto935@gmail.com