Raffensperger oo sheegay in Trump 'uu galay khalad iska cad' kaddib wicitaankii doorashada la xiriiray

0
Tuesday January 05, 2021 - 09:22:33 in by salman abdi
  • Visits: 347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raffensperger oo sheegay in Trump 'uu galay khalad iska cad' kaddib wicitaankii doorashada la xiriiray

    Raffensperger oo sheegay in Trump 'uu galay khalad iska cad' kaddib wicitaankii doorashada la xiriiray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raffensperger oo sheegay in Trump 'uu galay khalad iska cad' kaddib wicitaankii doorashada la xiriiray

Sarkaalka ugu sarreeya doorashada gobolka Georgia Brad Raffensperger ayaa sheegashada been abuurka ah ee uu Madaxweyne Donald Trump ku andacoonayo inuu ku guulaystay doorashada gobolkaasi ee 2020-kii "ay tahay khalad iska cad".

Hadalka Mr Raffensperger ayaa yimid kaddib markii Mr Trump uu cadaadis ku saaray wicitaan dhanka taleefanka ah oo uu doonayay inuu ku soo "helo" codod guushiisa cadaynaya.

Waxaa aad u baahay dhaleecayn loo jeedinayo wicitaanka Mr Trump, iyadoo dadka qaar ay ku andacoodeen in taas ay ka dhigan tahay in la doonayo in si sharci darra ah codod loogu daro.

Jamhuuriyiinta ayaa waxa ay ka cabsi qabaan suuragalnimada in wicitaanka uu waxyeelayn doono dedaalladooda ay ku doonayaan inay ku guulaystaan tartanka loogu jiro laba kursi ee Senate-ka gobolka Georgia ee loo tartamayo Talaadada.

Haddii Jamhuuriyiinta ay ku guulaystaan labada kursi ee senate-ka Georgia ee doorashada ku celiska ah, ayaa waxa ay sii ahaan doonaan aqlabiyadda Senate-ka. Haddiise ay musharraxiintoodu guuldarraystaan, Dimuqraadiyiinta ayaa waxa ay maamuli doonaan aqalka Senate-ka, Aqalka Wakiillada iyo Aqalka Cad.

"Asaga umbaa hadlayay. Annaguna waan dhagaysanaynay," Mr Raffensperger ayaa Isniintii usheegay ABC News. "Hasayeeshee aan caddeeyo in xogta uu haysto ay tahay khalad cad," ayuu yiri, isagoo tilmaamay waxa uu u sheegay kooxda madaxweynaha wicitaankii saacadda socday ee Sabtidii.

"Waxa uu haystay boqollaal iyo boqollaal qof ayuu yiri kuwaas oo dhintay misana codeeyay. Waxaannu helnay laba, taasna waa sida aan cadaadalad u nahay - xog xun ayuu haystay," ayuu ku daray.

Georgia Secretary of State Brad Raffensperger on 7 Dec 2020

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Qoraalka sawirka,

Brad Raffensperger ayaa ka digay in eedaha been abuurka ah ee ku saabsan doorasho lagu shubtay ay "waxyeelaynayaan gobolkayaga"

'Waxaan doonayaa uun inaan helo 11,780 oo cod'

Wicitaankii Sabtida, ayaa la maqli karaa Mr Trump oo ku cadaadinaya marna ku qancinaya xoghayaha gobolka Georgia inuu "dib u tiriyo" cododka la dhiibtay.

"Waxaan doonayaa uun inaan helo 11,780 oo cod" ayuu yiri. Tiradaas ayaa waxa ay wadartiisa gaarsiin laheyd 2,473,634 ee cododka gobolkaasi, oo waxa uu sidaas hal cod uga badnaan lahaa musharraxii Xisbiga Dimuqraadiga haatanna ah Madaxweynaha la doortay Joe Biden, kaas oo helay 2,473,633.

Sidoo kale waxa uu Mr Raffensperger ku eedeeyay - kaas oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga - inuu burburiyay codod iyo inuu falal dambi faraha kula jiro arrintaas oo doorashadii ka weecisay Mr Trump. Eedaha aanan la caddayn ayuu ku sheegay inay yihiin "fal dambiyeed," isagoo intaas ku daray in taasi ay ka dhigan tahay "mid halis wayn kugu ah".

Mr Raffensperger ayaa markii uu jawaabayay waxa uu bannaanka soo dhigay in ololaha Mr Trump inay ku guuldarraysteen dhowr dacwadood oo ay maxkamadda geeyeen, isagoo sheegay: "Loollanka aad haysid mudane Madaxweyne, waa in xogta aad haysid ay khaldan tahay."


Maxaa madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Biden u qorshaysan 2021? Anthony Zurcher weriyaha sare ee BBCda uga soo warrama Waqooyiga Ameerika ayaa warbixintan ku eegaya

Maxay aheyd falcelintu?

Madaxweyne ku xigeenka la doortay Kamala Harris, taas oo Axaddii ku sugnayd gobolka Georgia si ay ugu ololayso musharraxiinta Xisbiga Dimuqraadiga ee u tartamaysa kuraasta Senate-ka, ayaa waxa ay Mr Trump ugu yeertay "Inuu bannaanka soo dhigtay kutakrifal awoodeed".

Mid ka mid ah hogaamiyayaasha Senate-ka ee Xisbiga Dimuqraadiga, Dick Durbin, ayaa sheegay in Mr Trump uu ahaa "mid wareersan oo halis ah" iyo in wicitaankiisa Mr Raffensperger ay u qalanto "wax aan ka yarayn in baaritaan dambi la sameeyo".

Barasaab ku xigeenka gobolka Georgia oo isna ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, Geoff Duncan, oo Isniintii la hadlayay CNN ayaa sheegay: "Waxaan 100% ku qanacsanahay inaan kuu sheego in arrinaasi ay khalad aheyd. Xaaladda taaganna aanay wax wanaag ah ku soo kordhin."

"Xog si khaldan loo shaaciyay ayey uun salka ku haysaa," ayuu ku daray Geoff Duncan, kaas oo ninka madaxda u ah waa barasaabka gobolka Georgia, Brad Kemp, uu wajahayay baaq uga imanayay Mr Trump oo ahaa inuu iscasilo. "Waad og tahay, waxa ay arrintaasi salka ku haysaa, aragtiyaha dacwadaha 10-kii todobaad ee la soo dhaafay cadaynta loo waayay."