Guddoomiyaha aqalka sare oo wax kama jiraan ku tilmaamay hadalkii madaxweyne Qoorqoor

0
Sunday January 10, 2021 - 12:17:19 in by salman abdi
  • Visits: 397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha aqalka sare oo wax kama jiraan ku tilmaamay hadalkii madaxweyne Qoorqoor

    Guddoomiyaha aqalka sare oo wax kama jiraan ku tilmaamay hadalkii madaxweyne Qoorqoor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha aqalka sare oo wax kama jiraan ku tilmaamay hadalkii madaxweyne Qoorqoor
Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadalka Madaxwayne Qoor Qoor ee ahaa in dadka tabashada ka qaba hannaanka doorashada uu kusoo celiyey jawaab tanaasul ku jiro oo ka timid madaxda dowladda federalka.


"Wixii ka horreeyay hadalkii raysal wasaaraha ee shalay, shacabka Soomaaliyeed waxay rajo ka qabeen in lagu guulaysandoono talooyinkii iyo niyad wanaagii lagasoo jeediyay shirkii magaalada Garowe islamarkaana madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu aqbalidoonaan ergada loosoo diray, kadibna la iskugu yimaado shir lagu xallinayo waxyaabaha la isku khilaafsan yahay,” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.
 
Guddoomiyaha aqalka sare wuxuu sheegay in ay nasiib darro tahay in madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu diideen in la wada hadlo ayna qaataan go’aano sii kala qeybinaya dalka, laguna qabanayo doorasho aan heshiis lagu ahayn.