
Callejon Oo Ka Caawiyay Napoli Inay San Paolo Ku Garaacdo Roma.
Napoli ayaa bilowgii hore aad uga fir firconeed Roma iyagoo iska qasaariyay fursado yar inaksta oo kubada inteeda badan lagu ciyaarayay qadka dhexe, Roma oo ciyaarta hal mar soo gashay ayaa heshay fursad fiican laakiin garsooraha ayaa tilmaamay inay tahay offside, 37 daqiiqo Gervinho ayaa u soo dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo kooxdiisa laakiin Pepe Reina ayaa ka beeniyay kubadaas inay sii gasho shabaqa.
Roma oo sii waday weerar keeda ayaa u soo dhawaatay mar kale inay hogaanka qabato laakiin kubadii uu soo shuuday Bastos waxaa bad baadiyay Pepe Reina daqiiqadii 43, ciyaarta ayaana lagu kala nastay 0-0 qaybtii hore.
Qaybtii danbe labada kooxood weerar kooda ayaa ahaa mid isdaba joog ah, 53 daqiiqo Callejon ayaa u soo dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo kooxdiisa laakiin De Sanctis ayaa ka tufay kubadaas, 81 daqiiqo Callejon ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Napoli kadib markii uu madax ku dhaliyay kubad uu ka helay Ghoulam isagoona ciyaarta ka dhigay 1-0.
Callejon Oo Ka Caawiyay Napoli Inay San Paolo Ku Garaacdo Roma.
Kooxda Napoli ayaa xoog usheegatay kooxda Roma oo marti ugu aheed San Paolo iyagoona ugu awood sheegtay 1-0, Napoli ayaa guushaan uga mahad celinaysa laacib kii hore ee Real Madrid Callejon.