Safiirkii Hore Ee Maraykanka U Qaabilsanaa Soomaaliya Oo Dawladdiisa U Soo jeediyey Inay Qunsuliyad Ka furato Somaliland
Safiirkii Hore Ee Maraykanka U Qaabilsanaa Soomaaliya
Oo Dawladdiisa U Soo jeediyey Inay Qunsuliyad Ka furato Somaliland Safiirkii Dawladdii Maraykanka u fadhiyey Dalka Sooaaliya intii u dhaxaysay
2016 ilaa 2017, Amb. Stephen M. Schwartz, ayaa Dawladdiisa u soo jeediyey inay qunsuliyad ka furato
Somaliland.
Amb. Stephen M. Schwartz oo qoraal dheer qoray ayaa waxa kale uu Dawladdiisa u soo jeediyey inay
Midowga Afrika kala shaqayso sidii loo dhisi lahaa meeqaamka Somaliland iyo in Madaxweynaha xiga
Farmaajo ee Soomaaliya uu sameeyo Wada-hadallo midho-dhal ah oo uu la yeesho Somaliland.
Amb. Stephen M. Schwartz oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi "Masaafadda iyo inay ka fog tahay
Muqdisho, Maraykanku waa inuu Somaliland ka samaystaa Qunsuliyad, si ay u caawiso muwaaidniinta Maraykanka, Ganacsiga iyo in la dhiso xidhiidhada.”
Safiirku waxa kale oo uu sheegay "Waa inay sidoo kale kala shaqaysaa midowga iyo dhinacyada kaleba in
la xalliyo meeqaamka Somaliland, iyadoo Madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya (Madaxweynaha kan
xiga) lagu dhiirigelinayo inuu sameeyo Wada-hadallo deg-deg ah oo macno leh.”ayuu yidhi, waxaanu intaa
ku daray oo uu ka hadlay "Degannaanshaha Somaliland iyo halka ay ku taallo, gaar ahaan dekedda Berbera
waxay Maraykanka siin kartaa xulaashooyin istaraatiijiyadeed oo faa’iido leh, laakiin waa haddii ay
Somaliland yeelato sharci caalami ah oo lagaga wada xaajoodo heshiisyada.”
Safiirkii Hore Ee Maraykanka U Qaabilsanaa Soomaaliya Oo Dawladdiisa U Soo jeediyey Inay Qunsuliyad Ka furato Somaliland
Safiirkii Hore Ee Maraykanka U Qaabilsanaa Soomaaliya Oo Dawladdiisa U Soo jeediyey Inay Qunsuliyad Ka furato Somaliland