Diblomaasi Maraykan Ah Oo u Dooda Qadiyadda Somaliland Oo Booqasho Ku Tegay Gobolka Sool
Diblomaasi Maraykan Ah Oo u Dooda Qadiyadda
Somaliland Oo Booqasho Ku Tegay Gobolka Sool Waxaa gobolka Sool booqasho ku tegay diblomaasi sare iyo cilmi baadhe u
dhashay dalka Maraykanka kana mid ah aqoonyahanka u doodad qadiyadda jamhuuriyadda Somaliland.
Booqashadda uu gobolka Sool ku tegay Mr. Michael Rubin, ayaa ku soo beegmaysa xilli ay goboladda Sool
iyo Sanaag ka socoto diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Somaliland Waxaana booqashadda Michael Rubin,
ee Sool ku wehelinayay diblomaasiyiin sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, iyadoo
halkaas uu hore u sii joogay wasiirka arrimaha dibadda Prof:Yaasiin Maxamuud Faratoon.
Isagoo wasiirku ka mid ah masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo Sool u jooga hawlaha wacyigelinta
bulshadda iyo la socodka hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha Aqoon yahankan u doodad qadiyadda
Somaliland ee Maraykanka u dhashay waxaa magaaladda Laascaanood ku soo dhaweeyay wasiirka
arrimaha dibadda, badhasaabka gobolka Sool iyo masuuliyiin kale.
Waxaanu kormeer iyo qiimayn indho-indhayn ah lagu soo mariyay diblomaasigaasi meello ka mid goobaha
ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyeyaashu ee magaaladda Laascaanood, Badhasaabka gobolka Sool
Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo ka hadlay booqashadda diblomaasigaasi uu ku yimid Laascaanood.
Waxaanu yidhi, "Waxaa maanta (shalay) xarunta gobolka Sool ee Laascaanood nagu soo booqday wefti
heer sare ah oo ka kooban masuuliyiinta wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland iyo diblomaasi, aqoon
yahan sare oo ka tirsan Aqoonyahanka beesha caalamka ee taageera qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Xubnaha weftiga ayaa la kulmay wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah Prof.
Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon), oo ku sugan gobolka. Iyagoo sidoo kalena aanu qaabilnay gobol Sool
ahaan”.
Geesta kale badhasaabka gobolka Sool waxa uu sheegay in diblomaasigan ka socday Maraykanka uu aad
ula dhacay qaabka ay diiwanagelinta codbixiyeyaashu uga socoto gobolka Sool iyo xasiloonidda iyo
nabadgeliyadda ka jirta gobolkaasi.
"Prof. Michael Rubin, oo ah cilmi baadhe iyo Khabiir dhinaca siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo
diblomaasiyadda Maraykanka ayaa indho-indheeyay habsami-u-socodka diiwaangelinta codbixiyayaasha
Isagoo aad ula dhacay una bogaadiyay amniga, kala-dambaynta, xasiloonida iyo nidaamka dawladnimo ee
gobolka ka hano qaaday” ayuu ku yidhi badhasaabka Sool qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Dhinaca kale Mr. Michael Rubin, ayaa ah aqoon yahan u dhashay dalka Maraykanka kana tirsan machadka
American Enterprise Institute, ayaa tobankii sanadood ee u danbeeyay u doodayay qadiyadda aqoonsiga
Somaliland. Waxaanu fagaareyaal caalami ah ka sheegay in beesha caalamku ay hoos u eegaan qadiyadda
Somaliland. Kuwaasoo ay ugu danbaysay isagoo ka qayb qaatay doodihii shirkii u dhexeeyay Somaliland
iyo Soomaaliya ee badhtamihii sanadkii 2020-kii lagu qabtay dalka Jabuuti.
Mr. Rubin, ayaa sidoo kale warbaahinta caalamiga ah ku daabaca qoraalo iyo warbixino uu kaga
sheekaynayo waaqica Somaliland iyo farqiga ama kala duwanaanshiyaha u dhexeeya Somaliland iyo
Soomaaliya, oo uu ku tilmaamo dawlad fashilantay.
Qoraaladda uu Mr. Michael Rubin, ku taageerayay qadiyadda Somaliland waxaa ka mid ahaa warbixin uu
20-kii bishii June ee sanadkii 2020-kii ku daabacay wargeyska caanka ah ee Washington Post, taasoo uu
ciwaan uga dhigay ‘Dawladda Maraykanku waa in ay qunsuliyad ka furato Somaliland’ Isagoo dawladda Maraykanka ku dhiiri geliyay in Somaliland ay tahay dal dimoqraadi ah, isla markaana muhiimad u leh
Maraykanka.
Halka uu Mr. Rubin, warbixintiisa ku canbaareeyay safiirka Maraykanka u jooga Muqdisho Mr. Donald
Yamamoto, kaasoo uu ku eedeeyay inuu si cad ula saftay dawladda Muqdisho, isla markaana uu marar
badan isku deyay in kaalmadda beesha caalamka laga jaro Somaliland.
Sidoo kale Mr. Michael, waxa uu warbixintiisa ku sheegay in Somaliland ay muddo dheer ku naaloonaysay
nabad iyo dimoqraadiyadd tan iyo markii xornimadeedda dib ugala soo noqotay Soomaaliya sanadkii 1991-
kii Mr. Rubin, ayaa hore ahaa xubin ka tirsan waaxda difaaca ee wasaaradda gaashaandhiga dawladda Maraykanka.
Diblomaasi Maraykan Ah Oo u Dooda Qadiyadda Somaliland Oo Booqasho Ku Tegay Gobolka Sool
Diblomaasi Maraykan Ah Oo u Dooda Qadiyadda Somaliland Oo Booqasho Ku Tegay Gobolka Sool