SHIRKADDA DP WORLD BERBERA WAXAY FULISAY HAWL QAYBKA AH BALADHINTA IYO CASRIYAYNTA DEKEDDA

0
Sunday January 17, 2021 - 17:36:59 in by salman abdi
  • Visits: 519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHIRKADDA DP WORLD BERBERA WAXAY FULISAY HAWL QAYBKA AH BALADHINTA IYO CASRIYAYNTA DEKEDDA

    SHIRKADDA DP WORLD BERBERA WAXAY FULISAY HAWL QAYBKA AH BALADHINTA IYO CASRIYAYNTA DEKEDDA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SHIRKADDA DP WORLD BERBERA WAXAY FULISAY HAWL QAYBKA AH BALADHINTA IYO CASRIYAYNTA DEKEDDA

Shirkadda DP World Berbera waxay fulisay hawl qaybka ah baladhinta iyo casriyaynta dekedda

Berbera, 13ka Janawari 2021 -Shirkada DP World Berbera waxay soo dhaweyneysaa 8 wiish oo cusub oo ah nooca raseeya Konteenarada ee taayirada leh ee loo yaqaano (RTG) oo soo gaadhay dekedda, kuwaasi oo qayb ka ah mashruuca ballaadhinta iyo casriyaynta dekedde Berbera

Imaanshaha 8 da wiish ee cusubi waa talaabo weyn oo loo qaadey dhanka horumarinta dekedda, waxaanay ku soo beegmeen gebo-gebeda dhamaystirka dhismaha 400 mitir dekedda ah iyo balaadhinta 25 Higtor oo ah barxadda rarka iyo dajinta konteynarada oo la dhamaystiray Bishii Ogos ee kal hore

 

Talaabada balaadhinta iyo casriyeynta dekedda ee tan xigi doontona waxay noqon doontaa Saddex wish oo ah kuwa Maraakiibta ka rogo saarana Koonteynarada looyaqaano " Super Post Panamax Ship” oo la filayo inay Dekedda soo gaadhaan bisha Maarso ee Sannadkan. Marka la dhammaystiro baaadhinta dekedda, lana hawl galiyo qalabkan casiriga ee rarka iyo dajinta, dekadda Berbera waxay awoodi doontaa in ay u adeegto maraakiibta ugu waaweyn ee isaga goosha badaha Gobolka

Shirkadda DP world Berbera waxa ka go’an inay balaadhinta iyo casriyaynta Dekedda Berbera ku bixiso maalgalin dhan $442 Milyan Dooralka Maraykanka ah, marka uu dhamaystirmo mashruucaasina, awoodda rarka iyo dajinta ee dekadda berbera waxa kuk kordhi doonaa 500,000 oo Kontenarada Labaatanka fuudh ah ( 500,000 TEUs) sannadkiiba. Qaybtan dekedda lagu kordhiyay waxa la filayaa inay hawlgasho dhemaadka bishan Maaarso ee sannadkan, waxayna ka dhigi doontaa dekedda Berbera dekad muhiim ah oo isku xidha dejedaha ganaci ee geeska Afrika

Shirkadda DP World Berbera waa deked bixisa adeegyo badan oo kala gadisan, una adeegto macaamiisheeda oo isugu jiro kuwo ka ganacsada dhoofinta/ soo dajinta shixnado bagaash, Bulk Cargo, RORO oo ah Maraakiibta dabafurka, xoolaha nool iyo shixnadaha lagu keeno Konteynerada.

Dhammaad