Xukuumadda Oo Soo Dhaweysay Hadal Uu Safiir Hore Dawladda Maraykanka Ugu Soo Jeediyey Inay Qunsuliyad Ka Furato Somaliland
Xukuumadda Oo Soo Dhaweysay Hadal Uu Safiir Hore Dawladda Maraykanka Ugu Soo Jeediyey Inay Qunsuliyad Ka Furato Somaliland Xukuumadda Somaliland, ayaa soo dhawaysey hadalkii dhawaan ka soo yeedhay
Safiirkii hore ee Dawladda Maraykanka u fadhiyey Soomaaliya Amb. Stephen M. Schwartz ee ku saabsanaa
inay Somaliland istaahisho inay dawladdiisu ka furato Qunsilyad, maadaama ay tahay dal deggan.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u
warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa isagoo arrimahaa ka hadlayana wuxuu yidhi "Hadalka Amb.
Stephen M. Schwartz, waanu soo dhawaynaynaa Dawlad ahaan, si fiicana wuu u hadlay, wax jirana wuu
sheegay..”
Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland waxa kale oo uu sheegay "Dabcan, Amb. Stephen M. Schwartz, wuxuu
si cad oo qiimo leh u sheegay isla markaana qiray in dalkeenu yahay dal deggan oo xasiloon, oo la isku helayn
karo, heerka aynu maraynana waxaynu ku gaadhnay dadaalkeena, Juhdigeena iyo wax qabadkeena, Dawlad
ahaana waxaa naga go’an inaynu xoojino xidhiidhka aynu la leenahay Caalamka iyo in aanu Waddan walba ku
qancino jiritaanka Dawladnimadayada iyo waxaanu qabsanay..”