Qarax lagu dilay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

0
Tuesday January 19, 2021 - 17:07:47 in by salman abdi
  • Visits: 315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax lagu dilay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

    Qarax lagu dilay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax lagu dilay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

War goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii Amniga iyo siyaasada deegaanka Garasbaaley ee dulleedka magaalada Muqdisho Cali Maxamed Macalin,

Sidoo kale waxaa qaraxan lagu dilay guddoomiyihii ururka dhalinyarrada degmada oo lagu magacaabo Cabdirashiid Dubad, darwalkii guddoomiye ku-xigeenka iyo Askari ilaalo u ahaa oo la socday gaariga la weeraray.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ay jiraan dad kale oo khasaarro dhimasho iyo dhaawacba leh uu qaraxan ka soo gaaray.

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa isugu jiray dad saarnaa gaariga la bartilmameedsaday iyo kuwa kale wadada marayay sida sheegeen goob joogayaal ku sugnaa halka uu qaraxan ka dhacay oo ah agagaarka Warshadda Barafka Jidka 30-ka ee degaanka Garasbaaleey.