
Qatar Oo Bayaan Ka Soo Saartay Soomaali Ku dhimatay Dagaalka Waqooyiga Ethiopia.
Qatar Oo Bayaan Ka Soo Saartay Soomaali Ku dhimatay
Dagaalka Waqooyiga Ethiopia. Dawlada dalka qatar ayaa bayaan kasoo saartay warbixino la xidhiidha dhalinyaro soomaaliyeed oo la
sheegay in dawlada soomaaliya ku wargalisay in fursado shaqo loogu qaadayo dalka qatar balse laga
dajiyay eritrea islamarkaana ku dhintay dagaalka waqooyiga itoobiya ka socda.
Aabe lagu magacaabo Ali Dhoodi ayaa sheegay in dhawaan ay gurigiisa kusoo booqdeen qaar kamida
saraakiisha sirdoonka qaranka soomaaliyeed kuwaas oo tusay sawirka wiil uu dhalay oo uu aminsanaa in
fursad shaqo loogu qaaday dalka qatar.
Aabahan ayaa sheegay inay saraakiishani waydiiyeen inuu sawirka aqoonsankaro iyo inkale kadibna
markuu usheegay inuu wiilkiisii yahay waxay ku wargaliyeen inuu dagaalka eritrea ku dhintay waxayna
gacanta usaareen 10kun oo dollar, iyagoo kula dardaarmay inuuna hadlin. Warbixintan oo dhacdooyin
xanuun badan ka sheekaynaysa ayay dawlada qatar waxay dalbatay in dawlada soomaaliya ay baadhitaan
rasmi ah arintan ku samayso islamarkaana waxay Qatar sheegtay inay wax laga xumaado tahay in dad
aaminsan in fursado shaqo loogu qaadayo wadanka Qatar ay ku dhintaan dagaal aysan waxba ugalin raalina
ka ahayn
XIGASHO: SDM Hoos ka akhri warbixinta oo dhamaystiran.:-
Qatar Oo Bayaan Ka Soo Saartay Soomaali Ku dhimatay Dagaalka Waqooyiga Ethiopia.
Qatar Oo Bayaan Ka Soo Saartay Soomaali Ku dhimatay Dagaalka Waqooyiga Ethiopia.