Maxaa Ka Jira Cabdirashiid Janaan laga itaal roonaaday dagaalkii dhawaan ka dhacay Beled-Xaawo

0
Monday February 01, 2021 - 12:18:29 in by salman abdi
  • Visits: 265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira Cabdirashiid Janaan laga itaal roonaaday dagaalkii dhawaan ka dhacay Beled-Xaawo

    Maxaa Ka Jira Cabdirashiid Janaan laga itaal roonaaday dagaalkii dhawaan ka dhacay Beled-Xaawo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Ka Jira Cabdirashiid Janaan laga itaal roonaaday dagaalkii dhawaan ka dhacay Beled-Xaawo

Wasiirka Amniga Dowlad Gobolleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa qirtay in looga itaal roodaanaday dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Beled-Xaawo isaga oo dhinaca ka hadlay maxaabiistii looga qabtay dagaalka.

Waxaa uu meesha saaray in dagaalka looga qabtay maxaabiis dhan 250 Askari, isaga oo sheegay in kaliya 37 Askari oo loo qabtay dagaalka oo qaarkood ay is dhiibeen.

''Markii hore magaalada Annaga ayaa la wareegnay, laakiin waxaa ay noo isticmaaleen hub culus oo ay dowladdu geysay degmada Beled-Xaawo'' ayuu yiri Cabdirashiid Janan.

Wuxuu sheegay in ay arkeen ciidankooda qatar badan wajahayaan sidaa daraadeed ay go'aansadeen in ay dib uga gurtaan magaalada.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay ku qabtay dagaalkii ka dhacay Beled-Xaawo ciidamo gaaraya 250 Askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland ee magaalada soo weerarray, waxaana baraha bulshada lagu baahiyay ciidamadaa oo qaarkood la jirdalayo.