Aqalka sare ee Mareykanka oo war kasoo saaray arrinta Soomalaiya

0
Wednesday February 10, 2021 - 11:39:13 in by salman abdi
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqalka sare ee Mareykanka oo war kasoo saaray arrinta Soomalaiya

    Aqalka sare ee Mareykanka oo war kasoo saaray arrinta Soomalaiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqalka sare ee Mareykanka oo war kasoo saaray arrinta Soomalaiya

Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka, Bob Menendez, ayaa bayaan kasoo saaray xiisadaha kasii daraya ee ku saabsan doorashada Soomaaliya kaddib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka dhammaaday waqtigii xilka iyadoo aan la gaarin heshiis ku aaddan qabashada doorashooyinka horay loo muddooeyay.

Senator-ka ayaa bayaanka uu soo saaray ku yidhi:

"Waxaan ka walaacsanahay xiisadda sii xoogeysaneysa ee ku saabsan doorashada Soomaaliya iyo khatarta dhabta ah ee loogu jiro in uu dhiig ku daato ismariwaaga hadda ka taagan arrimaha siyaasadda. Khilaafka jira ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo, hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada iyo mucaaradka Soomaaliya wuxuu halis galinayaa dadaalkii adkaa ee ay dadka Soomaaliyeed usoo mareen horumarka dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalaha laga gaadhay tobankii sano ee lasoo dhaafay, taasina waxay khalkhal galineysaa xasiloonida guud ee dalka.

"Anigoo og in Al Shabaab ay raadin doonto fursad kasta oo ay ku abuurto qalalaase siyaasadeed si ay usii waddo ololaheeda argagixiso, Waxaan dhammaan dhinacyada ay arrinta khuseyso ugu baaqayaa inay si deg deg ah uga tanaasulaan tanahooda siyaasadeed ee gaarka ah ayna xal ka gaaraan qodobada ay wali isku khilaafsan yihiin ee la xiriira doorashada, iyadoo aan dib u dhac kale la sameynin. Heshiis walba oo noocaas ah waa in uu salka ku hayaa mabaadii caddaalad ku dhisan ayna faa;iido ugu jirto dimuqraadiyadda xisbiyada badan ee Soomaaliya."

Article share tools