Swansea City Oo Dhulka Jiiday Arsenal, gaadhsiisayna dhaawac

0
Sunday November 09, 2014 - 21:40:32 in by Burco Office
  • Visits: 982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Swansea City Oo Dhulka Jiiday Arsenal, gaadhsiisayna dhaawac

    Laba gool oo ka timid Siggurdson iyo Gomis oo ahaa laba gool oo yimid qeybtii dambe ayaa Swansea City guul ka gaarsiiyay Arsenal, isla markaana gaarsiiyay guuldaradii labaad ee horyaalka xili ciyaareedkaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba gool oo ka timid Siggurdson iyo Gomis oo ahaa laba gool oo yimid qeybtii dambe ayaa Swansea City guul ka gaarsiiyay Arsenal, isla markaana gaarsiiyay guuldaradii labaad ee horyaalka xili ciyaareedkaan.

 

 


Swansea City


Guushaan ay gaartay Swansea City waxey ka dhigan tahay iney kaalinta 5-aad soo dagtay, halka Arsenal ay u riday kaalinta 6-aad, waxaana booska afaraad dagay West Ham.

Swansea City ayaa weerarkii ugu horeeyay qaaday daqiiqadii 9-aad ee ciyaarta, laad xor ah ayeyna ka heleen meel aan ka fogeen goolka arsenal markii Chamberlain uu riixay Montero.

Wilfried Bonny ayaa lagu riday xerada ganaaxa balse looma joojin oo horay ayaa loo socday, inkastoo Montero uu fursad ku helay goolka Arsenal kubadii uu ridayna goolhayeSzczesny ayaa iska saaray.

Mar kale fursad fiican ayey heleen Swansea City markii Bonny uu si qurux badan kubad meel macan uga siiyay Emnes ka hor inta uusan goosha la beegsay laad joog hoose ah, Szczesny ayaana ka inkiray oo iska saaray kubada.

Arsenal ayaa heshay fursadii ugu horeysay oo ay halis ku galisay goolka Swansea City daqiiqadii 44-aad ee ciyaarta, markii Sanchez uu hoosta ka siiyay Welbeck, kaas oo isna kubad (Hal iyo Labo) ah la ciyaaray Chamberlain ka hor inta uusan goolka beegsan balse goolhaye Fabianski ayaa ka diiday oo koorne u saaray.

Mar kale Aaron Ramsey ayaa kubad joog sare ku sigay goolka Swansea City, kadib markii kubad uu geesta ka keenay Chambers ay iska saareen daafaca Swansea City.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay gool la’aan, iyadoo labada kooxood aysan haliso badan is galin marka laga reebo min la fursadood oo soo maray.

qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo labada kooxood ay halkoodii kasii wadeen dadaalkoodii waxaana intaas dheeraa in roobkii bilowga ciyaarta yaraa uu xoogeystay,

Santi Cazorla ayaa kubad meel gees ah kaga dhiibay Welbeck oo isna geesta kasoo galay xerada ganaaxa ka hor inta uusan si fiican uga xariiftamin daafaca Swansea isla markaana kubada uusan u gaarsiin Sanchez oo gool qurux badan halkaas ku dhameystiray daqiiqadii 63-aad ee ciyaarta.

Montero ayaa dhowr jeer kasoo galay Chambers oo dhinaca midig ilaaliyaha uga ah Arsenal inkastoo kubadii ugu qatarta badneyd uu keenay daqiiqadii 65-aad, balse Bonny ayaa si daciif ah kubada goolka ugu tuuray, geesta ayeyna martay.

Gylfi Sigurdsson ayaa barbaro u keenay Swansea City daqiiqadii 75-aad ee ciyaarta markii uu shabaqa Arsenal dhex dhigay laad xor ah oo aan qofna taaban.

Montero ayaa qabanaya shaqo adag iyadoo Chambers uu u tabar waayay inuu iska celiyo xidigaan, si qurux badan ayuu usoo qaaday laad waxaana madax kubad ku dhameystiray Gomis oo badal kusoo galay ciyaarta.

Gomis hogaanka ayuu u dhiibay Swansea City oo gurigeeda ku ciyaareysa waxaana meesha ka marneyn in Aaron Ramsey uu joogo gobolka uu kasoo jeedo ee Wales, badal ayaa lagu sameeyay Walcott ayaana la keenay daqiiqadii xigtay goolka.

Alexis Sanchez ayaa kubad qurux badan u qiyaanay Theo Walcott, balse kubada oo joog sare aheyd, uma suuragalin inuu koontoroolo, goolhaye Fabianski ayaase ka qabsaday.

Ugu dambeyntii Arsenal ayaa guuldaro kala soo laabatay gobolka Wales, waxeyna Arsenal ka dhacday kaalinta 6-aad, waxaana xusid mudan in kulankeeda xiga ee horyaalka ay wajahi doonto Manchester United.


contact@afkashacabka.com