Xaglo-toosiye Oo Ka Hadlay Xanuunka Covid_19, Doorashada

0
Wednesday February 24, 2021 - 09:26:58 in by salman abdi
  • Visits: 470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaglo-toosiye Oo Ka Hadlay Xanuunka Covid_19, Doorashada

    Xaglo-toosiye Oo Ka Hadlay Xanuunka Covid_19, Doorashada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaglo-toosiye Oo Ka Hadlay Xanuunka Covid_19, Doorashada Siyaasi Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xilal wasiirnimo,Wasiirna ka soo noqday Wasaaradaha Dib u dejinta iyo Caafimaadka, ayaa ka xog-warramay marxaladda siyaasadeed ee dalku marayso, waxaanu si gaar ah uga hadlay Xanuunka Koronaha, Nabadgalyada iyo Doorashooyinka. Siyaasi Saleeban Ciise Ahxmed (Xaglatoosiye), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Xanuunkii Koronuhu oo ah xanuun aad iyo aad u khatar badan, waa kan oo dib ayuu ugu soo laabtay dunidii, xanuunkan oo wada gaadhay caalamka, ha lagu sii kala darnaadee, haddana inaga ILLAAHAY ayaa inoo sahlay, oo ILLAAHAY ayeynu uga mahadnaqaynaa, ee Shacabka waxaan kula talinayaa inay aad u taxadiraan, oo taxadir iyo is ilaalin badan sameeyaan, ILLAAHAY baa wax ilaaliya, haddana ha la joogteeyo oo lagu dadaalo ilaalinta nadaafada, wacyigelinta ay Wasaaradda Caafimaadku wadaana Shacabku ha ku dhaqmaan, qof kasta oo xanuunkan iskaga shakiya, ama dareema xanuun, si deg deg ah ha u gaadho goobaha caafimaadka, gaar ahaan goobaha ay Dawladdu cayintay, si looga taxadiro faafitaanka xanuunka Koronaha”. Mar uu ka hadlayey nabadgalyada ayaa yidhi "Nabadgalyada oo la ilaaliyo ayaa inoo wada muhiim ah, iimaanka iyo nabadgalyadana waxaa la horeeysiiyo oo Nabigeenu horeysiiyey nabadgalyada, maxaa yeelay haddii aanay nabadgalyo jirin, oo nabadgalyo daro dhacdo wax walba way xumaanayaan, ee qof walba dhankiisa ha ka ilaaliyo nabadgalyada, oo ha la iska ilaaliyo wax kasta oo nabadgalyo daro keenaya”. Dhinaca kale, Siyaasi Saleeban Ciise Axmed (Xaglatoosiye),ayaa sheegay inuu ku rejo weyn yahay inay dalka ka dhacaan Doorashooyin xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.