Masuuliyiinta Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Iyo Beesha Caalamka Oo Kulan Wada Qaatay.

0
Wednesday February 24, 2021 - 17:50:58 in by salman abdi
  • Visits: 306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiinta Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Iyo Beesha Caalamka Oo Kulan Wada Qaatay.

    Masuuliyiinta Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Iyo Beesha Caalamka Oo Kulan Wada Qaatay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Iyo Beesha Caalamka Oo Kulan Wada Qaatay. Masuliyiinta Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Oo Xarunta Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland ku Qaabilay Wefti Dibloomasiyiin Iyo Madax Sar Sare Oo Ka Socday Dalalka UK ,Germany ,Sweden,Denmark ,EU ,UN, AU Kuwaas Maalmahanba Booqasho Ku Joogay . Kulan Saacado Badan Qaatey Oo U Dhexeeyay Masuliyiinta Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha & Arrimaha Dastuurka JSL Iyo Weftida Ka Socda Daneyayaasha Dimuqraadiyada & Horumarka Somaliland ayaa Lagu Lafo Gurey Horumarinta Shuruucda Doorashooyinka ,Dimuqraadiyada ,Fahamka Wadaniyada Iyo Doorka Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arimaha Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland . Waxa Kale Oo Intii Kulanku Socdey Lagu Falanqeeyay Barnaamijka XILKAS Oo Ah Barnaamij Ay Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arimaha Dastuurka Somaliland Ugu Talo Gashay Inay Shacabka Fahmaan Shuruucda Doorashooyinka , Wadaniyada Iyo Xuquuqda Cod Bixinta Ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Jideeyey . Ugu Danbayntiina Weftida Dibloomasiyiinta Iyo Madaxdii Sar Sare Ee Ka Socday Dalalka UK ,Germany ,Sweden,Denmark ,EU ,UN, AU Ayaa Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Ku Hanbalyeeyay Shaqada Wanaagsan Ee Ay Qaranka U Hayso