Dadaalo lagu baajinayo dibadbaxa maalinta Jimcaha oo ka socda Muqdisho

0
Thursday February 25, 2021 - 08:54:12 in by salman abdi
  • Visits: 284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadaalo lagu baajinayo dibadbaxa maalinta Jimcaha oo ka socda Muqdisho

    Dadaalo lagu baajinayo dibadbaxa maalinta Jimcaha oo ka socda Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadaalo lagu baajinayo dibadbaxa maalinta Jimcaha oo ka socda Muqdisho

Saacadihii ugu danbeeyay waxaa soconayay dadaalo la doonayo in lagu baajinayo dibadbaxa maalinta Jimcaha ay ku baaqeen midowga musharixiinta iyo sidii leysugu soo dhaweyn lahaa Xukuumadda iyo Midowga Musharixiinta.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulamadii dhacay saacadihii la soo dhaafay wax xooggaa hormar ah laga sameeyay iyadoo maanta loo balansan yahay kulan kale oo ay ka qeybgali doonaan Ra'iisal Wasaaraha, madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle iyo Midowga Musharixiinta.

Wasiirka Wasaarrada Amniga Xassan Xudubeey Jimcaale ayaa kulamadan socda u xaqiijiyay warbaahinta

Midowga Musharixiinta ayaa dalbaday in marka hore dowladdu aqbasho sharuudo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in ay raaligalin buuxda ka bixiso wixii 19kii bishan Febraayo iyo in laga qeybgaliyo shirarka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale musharixiinta ayaa doonaya in loo fasaxo dibadbaxa ay ku baaqeen in uu Jimcaha dhaco kaasoo noqonaya dibadbax nabaddeed.

Kulanka maanta dhacaya ayaa lagu waddaa in lagu lafaguro inta badan qoddobada ay soo jeediyeen midowga Musharixiinta.