Xildhibaan Wakiillada Ka Tirsan Oo Codsaday In La Gubo Buug Ay Soo Saartay Hay'adda Xuquuqal Insaanka Somaliland

0
Thursday February 25, 2021 - 12:30:56 in by salman abdi
  • Visits: 344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Wakiillada Ka Tirsan Oo Codsaday In La Gubo Buug Ay Soo Saartay Hay'adda Xuquuqal Insaanka Somaliland

    Xildhibaan Wakiillada Ka Tirsan Oo Codsaday In La Gubo Buug Ay Soo Saartay Hay'adda Xuquuqal Insaanka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Wakiillada Ka Tirsan Oo Codsaday In La Gubo Buug Ay Soo Saartay Hay'adda Xuquuqal Insaanka Somaliland Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in Buugga war-bixin sannadeedkii 2020-ka ee ay soo saartay, qaybisayna Hay’adda xuquuqal insaanka Qaranka Somaliland si khaldan loogu dhigay khariirada Jamhuuriyadda Somaliland,waxaanu ugu baaqay Guddida inay Buuggaas ay ka daba tagaan, isla markaana ay gubaan Xildhibaan Obsiiye oo war-baahinta kula hadlayey Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in buuggaas khariirada ku sawirran ee Somaliland ay khaldan tahay, isla markaana ay dhuka Somaliland qayb lagu darray Jabuuti, halka qayb kalena loo jaray dhanka Puntland "Maamkaas waa maamkii Jamhuuriyadda Somaliland oo gobollaysan,marka aad eegto qaabka ay u dhigeen Gobolladaas,Gobolka Salel la yidhaah in yar oo Raasagii Jabuuti ah ayaa Salel lagu xidhay, waxaad mooddaa in Jabuutiba la siinayo oo intii ay ciida ka guranayeen,ciid baddan ayey ka gurteen biyo ayaa looga oggolaaday waxa aad mooddaa intaa iyadda Jabuuti inay ku kaaban tahay.” Xildhibaan Axmed Barkhad oo haddalkiisa sii wata ayaa yidhi "Xaggan kale marka aad eegto Gobol Haylaan la yidhaah innagu ma naqaan ee Sanaag ayeynu naqaan Gobolka Sanaag la yidhaa, laakiin Haylaan wuxuu ka caan yahay Puntland, anigu garan maayo in Puntland intan loo goynayee, marka taa aad ka timaado nuxurka ugu weyn ee aan uga socdaa waxa uu yahay Gobolkii la odhan jiray Waqooyi Galbeed,waxa loo gooyey afar qaybood.” Dhana kalena Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye ayaa guddida ugu baaqay inay ka daba tagaan Buuggaas,isla markaana ay gubaan ama ay ka jaraan khariirada la khalday ee dalka"Guddida waxaan uga baaqayaa in Buuggan in la soo ururiyo halkii la geeyey oo la gubo Buuggaas haddii kale laga jaro khariiradan khaldan oo ay ka daba tagaan, haddii kale iyaga ayaa ku ceebaysan oo xuquuqdii aadamaha Somaliland meel kaga dhacay waxay illaaliyaan iska dayoo .”ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye. Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye ayaa ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland