Hanti-dhawrka Qaranka Oo Baadhis Ka Bilaabay Wasaaradda Maaliyada

0
Tuesday March 02, 2021 - 15:16:44 in by salman abdi
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hanti-dhawrka Qaranka Oo Baadhis Ka Bilaabay Wasaaradda Maaliyada

    Hanti-dhawrka Qaranka Oo Baadhis Ka Bilaabay Wasaaradda Maaliyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hanti-dhawrka Qaranka Oo Baadhis Ka Bilaabay Wasaaradda Maaliyada

Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka JSL ayaa Baadhis ka Bilaabay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL iyo Laamaheeda.

Baadhistan ayaa ka kooban Saddexda Nooc Baadhiseed ee uu jideeyay Xeerka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Xr. Lr. 76/2016, oo kala ah Baadhis Maaliyadeed, Baadhis Wax Qabad iyo Baadhista Waafaqsanaanta Shuruucda, Baadhistan Ayaa muddada ay socoto waxa ka qayb qaadanaya saraakiil u tababaran Nidaamka Baadhisaha Caalamiga ah, oo sannadihii u danbeeyay lagu sameeyay isbaddallo wax ku oola oo Baadhisaha Qaranka u fududaynaya in lawada gaadho dhammaan Laamaha Dawladda ee kala duwan taas oo loo hirgalin doono hab casriya oo la jaan-qaadaya Nidaamka Baadhisaha Caalamiga ah. Bilihii u danbeeyay waxa Noocyadaa Baadhisuhu ka socdeen in ka badan illaa 8 meelood oo isugu jira Wasaaraddo iyo Hay’addaha Dawladda oo waafaqsan Qorshaha Sannadkan 2021 ee imika curtay oo la rabo in la gaadho inta badan Laamaha Dawladda Dhexe iyo Hoosaba.