Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo saacadaha soo socda ku soo wajahan magaalada Muqdisho

0
Tuesday March 09, 2021 - 13:39:45 in by salman abdi
  • Visits: 347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo saacadaha soo socda ku soo wajahan magaalada Muqdisho

    Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo saacadaha soo socda ku soo wajahan magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo saacadaha soo socda ku soo wajahan magaalada Muqdisho

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ka qeybgalaya shirka arrimaha doorashooyinka dalka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ilaa maanta galinka danbe magaalada Muqdisho uu soo gaaro madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

Madaxweynayaasha labada dowlad gobolleed ayaa sharuud ku xiray ka qeybgalka shirka iyaga oo dalbaday in madasha shirka laga dhigo goob amaan ah, waxaana wararku sheegayaan in shirka lagu qaban doono xerada Afasiyooni oo ay amnigeeda suganayaan ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM.

Shirka sidoo kale waxaa qeyb ka noqon doona ilo xog ogaal ah sheegayaan wakiilada beesha caalamka oo markan faragalin ku sameyn doona kulanka si loo gaaro heshiis kama danbeys ah.