Xaaladda Magaalada Burco Oo Faraha Ka Baxday Iyo Dadkii Oo Raxan-raxan Loo Aasayo Cudurka
Xaaladda Magaalada Burco Oo Faraha Ka Baxday Iyo
Dadkii Oo Raxan-raxan Loo Aasayo Cudurka Xaalada Burco ee Covid19 waxay maraysaa halkii ugu xumayd ee abid uu gaadho.
Waxa isasoo taraya dadka udhimanaya Xanuunkan,
Todobaadkii udanbeeyay waxa caado noqotay In aan aad looga argagixin Maydadka ay sidaan Dadka ku qafilan Qalabka
Covid19, maadaama ay soo bateen.
Majiraan wacyegilin toosa ama amaro kasoo baxay Gudida Covid19 iyo wasaarada Caafimaadka oo lagu badbaadinayo
Bulshada Burco ee Xanuunku Halista Kuhayo, Marka laga Reebo Fariinta kooban Mobilka.
Waxa siweyn udedaalaya Shaqaalaha Cisbitaalka Burco gaar ahaan qaybta covid19 iyo kuwa Jooga Warshada dhalinaysa
Oxgenta ee uu keenay Dahabshiil. Inkastoo ay xaaladani ka tan wayntahay Cisbitaalka Burco hadii aanay helin Gargaar iyo
cid Ka Taageerta Hawsha Ay hayaan.
24saacadoodba waxa baxaya Warshada inkabadan 100 haamood oo oxgen ah kuwaas oo lagu xidhayo dadka Bukaankani
saameeyay qaarkoodna loo qaadayo Magaalooyinka Waaweyn ee ku yaala Gobolada bariga Somaliland oo ka dhaansada
Oxgenta Warshadaasi Taala Cisbitaalka Burco.
NB: Waxa la gubay waa dharkii iyo Agabkii kale lagu siday Midkamida qof udhintay Covid19.
Wariye Xabiib Cige
Xaaladda Magaalada Burco Oo Faraha Ka Baxday Iyo Dadkii Oo Raxan-raxan Loo Aasayo Cudurka
Xaaladda Magaalada Burco Oo Faraha Ka Baxday Iyo Dadkii Oo Raxan-raxan Loo Aasayo Cudurka