Puntland oo maxkamad la tiigsanaysa haweenay tacaddi u geystay gabadh 12 jir ah oo shaqaale u ahayd

0
Monday March 15, 2021 - 16:48:01 in by salman abdi
  • Visits: 296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo maxkamad la tiigsanaysa haweenay tacaddi u geystay gabadh 12 jir ah oo shaqaale u ahayd

    Puntland oo maxkamad la tiigsanaysa haweenay tacaddi u geystay gabadh 12 jir ah oo shaqaale u ahayd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland oo maxkamad la tiigsanaysa haweenay tacaddi u geystay gabadh 12 jir ah oo shaqaale u ahayd Puntland ayaa maxkamad la tiigsanaysa haweenay la sheegay in ay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha kula kacday gabadh 12 jir ah oo uga shaqeynayay gurigeega oo ku yiilay Gaalkacyo.

 

Haweenaydan oo Eedo u ah gabadha dhibbanaha ah ayaa maalmo ka hor booliiska Gaalkacyo xireen, kadib markii ururka haweenka gobolka Mudug ay xogteeda usoo gudbiyeen booliiska.

Xafiiska difaacaha xuquuqda Aadanaha Puntland oo kiiskaan gacanta ku haya ayaa gaarsiiyay heer maxkamadeed, si ay dhibbanaha u hesho magdhow dhibka loo geystay iyo in masuuliyaddeeda lagu wareejiyo cid kasoo bixi karta.

Waxaa kaloo dacwad lagu furay qofka dhibkaan u geystay, oo haatan ay baaris ku socoto.

Sanadihii ugu dambeeyay, waxaa soo kordhayay tacaddiyada ka dhan ah gabdhaha, hadday ahaan lahayd kufsi iyo dil ama tacadiyo loogu geysto guryaha.

Bilo kahor, magaalada Hargeysa ayay ahayd markii ay baraha bulshada kasoo muuqatay haweenay tacaddi u geysanaysa gabadh yar oo shaqaale u ahayd.