Puntland oo maanta bilowday bixinta tallaalka Covid19

0
Saturday March 27, 2021 - 12:49:30 in by salman abdi
  • Visits: 252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo maanta bilowday bixinta tallaalka Covid19

    Puntland oo maanta bilowday bixinta tallaalka Covid19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland oo maanta bilowday bixinta tallaalka Covid19
Puntland ayaa maanta degnaanadeeda ka bilowday tallaalka Covid19, waxaana daahfuray wasiirka caddaalada Puntland Cawil Sheikh Xaamud.

 

Magaalooyinka Bosaso, Garowe iyo Gaalkacyo ayaa laga bilaabay qaadashada tallaalka, iyadoo la geeyay ku dhawaad 50 xarumood islamarkaana ay wasaaradda caafimaadku u diyaarisay kooxo u tababaran bixintiisa.

Masuuliyiin badan oo Puntland ayaa tallaalka ku qaatay xarumahooda, kuwaas oo shacabka ugu baaqay in ay ka faa’idaystaan tallaalka Covid19 oo la aaminsan yahay inuu kor usoo qaadaya difaaca jirka.

Wajiga hore ee tallaalka ayaa loogu talagalay inay qataan dadka safka hore oo ay ka mid yihiin shaqaalaha Caafimaadka, Macalimiinta, Ciidamada Booliiska, Dadka waaweyn ee qaba Sonkorta iyo dhiig karka.

Talaalka ayaa socon doona 10 bari waxaana wajiga labaad uu bilaaban doonaa bisha May ee sanadkan.

Tallaalka maanta bilawday ayaa ka kooban 40,000 oo dose, marka dadka loogu talagalay dhameestaan ayaa loo oggolaan doonaa in bulshada kale la siiyo.