Xukuumada Soamlia Oo Hada War Ka Soo Saartay Warar Sheegay In Madaxweyne Farmaajo Oo Safar Uu Dalkda Kaga baxayo.

0
Tuesday March 30, 2021 - 17:36:45 in by salman abdi
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Soamlia Oo Hada War Ka Soo Saartay Warar Sheegay In Madaxweyne Farmaajo Oo Safar Uu Dalkda Kaga baxayo.

    Xukuumada Soamlia Oo Hada War Ka Soo Saartay Warar Sheegay In Madaxweyne Farmaajo Oo Safar Uu Dalkda Kaga baxayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Soamlia Oo Hada War Ka Soo Saartay Warar Sheegay In Madaxweyne Farmaajo Oo Safar Uu Dalkda Kaga baxayo.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu berri safar u yahay ka qeyb galka shir la sheegay in uu ku saabsan yahay heshiis amni oo heer gobol ah oo ka dhicidoona Ethiopia.

 

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu warkaan ku tilmaamay mid been abuur ah oo aan jirin.

Abdirashiid Maxamed Xaashi ayaa sheegay Safarrada shaqo ee Madaxweyne Farmaajo in ay yihiin kuwo daahfuran oo xogtooda ay si dhammeystiran u soo gudbiyaan Warbaahinta dalka.

Wuxuu sheegay in madax xilal muhiim ah ka soo qabtay dalka ay ku jahwareeriyaan shacabka Soomaaliyeed xog aan sugnayn, iyaga oo uga gol leh dano siyaasadeed oo gaar ah.

Hadalka agaasimaha warfaafinta madaxtooyada ayaa jawaab u ah hadalkii kasoo yeeray raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid, kaasoo sheegay in ay Soomaaliya heshiis amni la saxiixanayso dalalka Ethiopia iyo Eritrea, isagoo arrintaasna kasii digay.