Qorshe Halis Ku Ah Saddexda Xisbi Qaran Oo Loo Gudbiyay Golaha Wakiilada Iyo Dareenada Ku Xeeran.
Qorshe Halis Ku Ah Saddexda Xisbi Qaran Oo Loo
Gudbiyay Golaha Wakiilada Iyo Dareenada Ku Xeeran. Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa la filayaa in maanta la hor geeyo warbixin
xasaasi ah oo ku saabsan Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Asxaabta Siyaasadda, kaas oo dhawaan
Guddoomiyaha Golahaasi guddi u saaray.
Fadhiga Maanta oo sabtid ah, ayaa loo ballansan yahay in warbixintan la xidhiidha Xeerka Furista Ururrada
Siyaasadda in laga dhegeysto Guddi tallo bixin ah oo Shirguddoonka Golaha Wakiilladu u saareen in ay ka soo
shaqeeyaan Kaabista iyo wax ka beddelka lagu samayn karto Xeerkaasi, iyada oo fadhiyo hore oo la doonayey
in warbixintan lagu dhegeysto aanay suurto gelin, ayaa lagu wadaa in maanta Mudaneyaashu dhegeystaan
warbixintan.
Dhegeysiga Warbixintan ka dib ayaa la filayaa in ay Mudaneyaashu cod u qaadaan amma guddo galaan doodda
qodobada uu xambaarsan yahay Xeerkan, oo si weyn loo sugayo.
Waxyaabaha filayo in ay warbixintan Xambaarsanaato ee lagu soo kordhiyey Xeerka Nidaamka Ururrada iyo
Axsaabta Siyaasadda, ayaa waxa loo badinayaa in ay ka mid noqdaan qoddobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin
waxa laga yeelayo marka ay sannadka dambe uu dhacdo Liisanka Xisbinimo ee ay haystaan Saddexda Xisbi ee
Kulmiye, Waddani iyo UCID, kuwaas oo wakhtigii sharciga ahaa uu dhacayo sannadka dambe ee 2022-ka,
madaama sharcigu dhigayey in Liisankoodu noqdo 10 sanno oo ka soo bilaabmaysay 2012-kii illaa 2022-ka.
Qoddobkan oo ah kan ugu xasaasisan ee laga sugayo in lagu soo daro Xeerkan, ayaa filayaa in ay noqon karto
in lagu caddeeyo in Ururrada la furo ka hor doorashada Madaxtooyada ee soo socota, iyada oo qorshaha lagu
furayo uu noqon karo in la sameeyo doorasho toos ah oo Ururro lagu doorto, madaama oo markii hore Ururrada
la raacin jiray doorashada Goleyaasha Deegaanka, taas oo iyadu dhacaysa sannadka 2021-ka.
Qoddobkan, ayaa lagu wada in ay guddi soo jeedin doonto, madaama oo xaq distuuri ah uu yahay ka qayb galka
siyaasadda ee muwaadiniintu in la sameeyo nidaam lagu furo ururrada Siyaasadda, kaas oo noqon kara mid
bulshadu ay doorato Ururro ku tartami doona Xisbinimo sidii ay ugu soo bixi lahaayeen, ka dibna saddexda
Urur ee ugu codka badan u noqon lahaayeen saddexda Xisbi qaran ee dalka ka jira.
Qodobada kale ee la filayo in ay warbixintan ku jiraan, ayaa waxa ka mid ah Muddo xileedka
guddoomiyeyaasha Xisbiyadu in aanu noqon mid daba furan, balse wakhti cayiman laba muddo xileed ah uu
guddoomiyuhu noqon karo Guddoomiyaha Xisbiga, halka sidoo kale murrashaxa Xisbigu uu laba jeer isa sharxi
karo.
Qoddobada kale la filayo in Warbixintan la xidhiidha Xeerka Nidaamka Ururrada ku jiraan ayaa wax aka mid
ah Wax ka beddel lagu sameeyey qaabka iyo Cidda soo magacabaysa Guddida Diiwaan gelinta Ururada
Siyaasadda, Qaabka Xubinimada Xisbiyada lagu waayi karo iyo qoddobo kale.
Qorshe Halis Ku Ah Saddexda Xisbi Qaran Oo Loo Gudbiyay Golaha Wakiilada Iyo Dareenada Ku Xeeran.
Qorshe Halis Ku Ah Saddexda Xisbi Qaran Oo Loo Gudbiyay Golaha Wakiilada Iyo Dareenada Ku Xeeran.