Dib u dhac ku yimid shirkii ay maanta u balansanaayeen dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada

0
Tuesday April 06, 2021 - 12:29:05 in by salman abdi
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dib u dhac ku yimid shirkii ay maanta u balansanaayeen dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada

    Dib u dhac ku yimid shirkii ay maanta u balansanaayeen dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dib u dhac ku yimid shirkii ay maanta u balansanaayeen dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada Shirkii wadatashiga ee loo balansanaa maanta inuu dhexmaro dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta dib dhac ku yimid kadib markii madaxweynaha Galmudug uu shalay u safray magaalada Dhuusomareeb.

 

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Dhuusomareeb u tagay si uu ilaaliyo dastuurka Galmudug oo sheegaya in madaxweynuhu muddo ka badan 45 cishe uusan ka maqnaan karin Galmudug.

Madaxda kale ayaa isku raacay in shirka berrito dib loogu dhigo.

Madaxda weli ma aysan soo bandhigin illaa iyo hadda wax lagu heshiiyay ama la isku afgartay oo ku saabsan waxyaalihii laga wada hadlayay ee arrimaha doorashada ku saabsanaa.

Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay wada xaajoodka u socda hoggaamiyayasha siyaasada waxayna ku boorriyeen in ay sii joogaan Muqdisho illaa iyo inta xal laga gaarayo caqabadaha hortaagan qabsoomida doorashada.