Lamaane habeenkoodii aqal galka seexday goobtii ay xafladda ka dhaceysay

0
Wednesday April 07, 2021 - 09:36:07 in by salman abdi
  • Visits: 312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lamaane habeenkoodii aqal galka seexday goobtii ay xafladda ka dhaceysay

    Lamaane habeenkoodii aqal galka seexday goobtii ay xafladda ka dhaceysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lamaane habeenkoodii aqal galka seexday goobtii ay xafladda ka dhaceysay

Sawirka lamaane aroos ahaa oo u dhashay dalka Ruwanda iyo martidii ka soo qeyb gashay arooskooda oo lagu qasbay in habeenkii ugu horeeyay aqal galkooda ay ku qaataan banaanka ayaa jawaabo kala duwan laga bixiyay.

Lamaanahani iyo martidooda ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen xeerarka xakameynta Corona waxaana lagu qasbay in habeenkaas ay seexdaan garoonkii ay xafladda arooska ka dhacaysay.

Arrintan ayaa waxaa ka dhalatay caro kulul oo ay dadka baraha bulshada kula dhaceen booliiska.

Mid ka mid ah lamaanahani oo magaca qariyay islamarkana la hadlay BBC ayaa sheegay "in aan baryo garoonka habeenkii arooskeyga waa xusuus aan hilmaami doonin inta aa noolahay ",In aad xanuun sababto aadna dadka sidaasi u ceebeyso nagama dhigeyso in aan ka cabsano feyriska Corona amaba aan ilaalino shuruucda."

Booliiska magaalada caasimada ee Kigali, ayaa joojiyay ugu yaraan saddex aroos ka dib markii ay ka soo qeyb galeen in ka badan tiradii loo cayimay oo ahayd 20 qof.

Martidii arooska ka soo qeyb gashay

XIGASHADA SAWIRKA,RWANDATELEVISION

Qoraalka sawirka,

Martidii arooska ka soo qeyb gashay

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa warbaahinta dalka Ruwanda u sheegay "dad badan ayaa xafladaha ka qeyb galaya waxayna jabinayaan tallaabooyiinka xakameynta ",.

Waxaa uu intaa ku daray afhayeenkan in aysan ogolaan doonin inay sii socdaan falalka noocan ah.

Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa sheegay "in booliiska ay ka badbadinayaan" iyaga oo si sharci daro ah dadka xilli habeen ah ku haya goob garoon ah.

Balse qaar kale oo ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa dhankooda ammaanay in booliiska arooska, aroosada iyo martidaba ay habeenkii bariisiiyaan garoonka "si bad-qabkooda loo dhowro".

Clarisse Karasira, oo ah fanaan u dhashay dalka Ruwanda ayaa bartiisa Tweetar-ka soo dhigay qoraal ahaa"ficilkan waa mid bina'aadanimada ka baxsan", "waxay uur ku taalo ku noqon doontaa lamaanahani iyo caruurtooda ".

Qaabka ay xukuumadda Ruwanda uga jawaabtay feyriska Corona ayaa caalamka guud ahaan laga amaanay.

Balse dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuda aadanaha iyo mucaaradka ayaa cambaareeyay islamarkana sheegay in ku tumasho dhanka xuquuqda aadanaha ay dhacday intii lagu guda jiray howlaha xakameynta feyriska.

Dalka Ruwanda ayaa waxaa uu cudurka soo ritay in ka badan 22,000 , halka ay u dhinteen 311 qof.