Dadaal lagu doonayo in lagu soo iibiyo mishiinka Ogsajinta Magaalada Lascanood dhaliya ayaa u muuqda midha dhal

0
Wednesday April 14, 2021 - 13:58:04 in by salman abdi
  • Visits: 291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadaal lagu doonayo in lagu soo iibiyo mishiinka Ogsajinta Magaalada Lascanood dhaliya ayaa u muuqda midha dhal

    Dadaal lagu doonayo in lagu soo iibiyo mishiinka Ogsajinta Magaalada Lascanood dhaliya ayaa u muuqda midha dhal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadaal lagu doonayo in lagu soo iibiyo mishiinka Ogsajinta Magaalada Lascanood dhaliya ayaa u muuqda midha dhal
Ku dhowaad boqol ruux ayaa ilaa haatan ku yaboohay inay bixinayaan lacag gaadhaysa 120,000 oo doolar iyo dhaqaale kale oo raacaya, kadib markii caabuqa COVID-19 uu saamayn xoogleh ku yeeshay degaanada Sool iyo kuwa u dhowba.

 

Hawshan oo ay bilaabeen waxgarad iskood isu xilqaamay ayaa haatan u muuqda mid guushii laha lahaa laga gaadhey maadaama intii badnayd haatan yabooheeda la haayo ayna qaadhaankaa ku dhawaaqeen dadka gudaha.

"Waxaan hada hacanta ku haynaa 35% waxaana sugaynaa balamo badan, waqtiguna waa nagu adag yahay oo xili abaar iyo taws xanuun isu kaaya raaceen ayaan hawsha ku jiraa" sidaa waxaa noo sheegay midka mid ah gudiga is xilqaamay.

Sidoo kale waxa xiligan gobolka ka soconaya olole doorasho oo golayaasha degaanka iyo baarlamanka Somaliland taas oo dhaqaale xoogleh ku baxayo ayaa kulamo la qabtay lagaga dhawaaqay in xildhibaan doonaha ka qayb qaata hawshan la siiyo codka oo taas lagu kala saaro.

Si kastaba ha ahaatee in kasta oo aan loo samayn wacyigelin si dhab ah hadana isku tashiga dadku midho dhal buu u yeeshay iyagoo horena gaadiid loogu iibiyey isbotaalka Laascaanood.