Madaxweyne Deni oo Garowe kulan albaabada u xiran kula leh barlamaanka Puntland

0
Saturday April 17, 2021 - 16:23:30 in by salman abdi
  • Visits: 315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Deni oo Garowe kulan albaabada u xiran kula leh barlamaanka Puntland

    Madaxweyne Deni oo Garowe kulan albaabada u xiran kula leh barlamaanka Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Deni oo Garowe kulan albaabada u xiran kula leh barlamaanka Puntland Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku Ku-xigeenkiisa Axmed Karaash ayaa maanta hortagay Golaha Wakiilada ee Puntland.

 

Madaxweyne Deni, ayaa Golaha Wakiilada la qaadanaya xogwareysi iyo wadatashi ku saabsan xaaladda dalku marayo iyo mowqifka Puntland ee ku aadan muddo kororsiga dowladda federalka.

Kulankaan oo albaabadu u laaban yahay ayaa hadda ka socda xarunta barlamaanka, waxaana bannaanka looga saaray warbaahinta tebinaysay furitaankiisa.

Madaxweyne Deni ayaa xalay la shiray siyaasiyiinta iyo ururada bulshada, isagoo kala hadlay mowqifka Puntland ka qaadan karto go'aanka muddo kororsiga.

Kulanka kadib waxaa la qorsheynayaa in ay Puntland soo saarto warsaxaafadeed ku saabsan mowqifkeeda siyaasadeed ee arrimaha doorashooyinka.