Warbaahinta Dunida Oo Qaadaa-dhigay Hadal Shalay Somaliland Ka Soo Saartay Xaaladda Sii cakirmaysa Ee Soomaaliya.

0
Sunday April 18, 2021 - 13:35:57 in by salman abdi
  • Visits: 324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbaahinta Dunida Oo Qaadaa-dhigay Hadal Shalay Somaliland Ka Soo Saartay Xaaladda Sii cakirmaysa Ee Soomaaliya.

    Warbaahinta Dunida Oo Qaadaa-dhigay Hadal Shalay Somaliland Ka Soo Saartay Xaaladda Sii cakirmaysa Ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta Dunida Oo Qaadaa-dhigay Hadal Shalay Somaliland Ka Soo Saartay Xaaladda Sii cakirmaysa Ee Soomaaliya.
Warbaahinta dunida qaarkood, ayaa ka hadlay Warka Dawladda Somaliland
Shalay ka soo saartay Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, taasi oo sii cakirantay markii ay qaban kari
wayday Doorashada Baarlamaanka oo cod iyo qof ah, taa beddelkeedana uu Baarlamaanka wakhtigiisu
dhamaaday uu muddo-kordhin laba sanadood ah u sameeyay Madaxweyne Farmaajo, ka dib markii muddoxileedkiisii dhamaaday 8-dii bishii February ee sannadkan 2021-ka.
Warbaahintu waxay si gaar ah diiradda u saareen hadal ku jiray War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha
dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ka soo saartay xaaladda Soomaaliya, taasi ay Beesha
Caalamka ugu baaqday in aanay Somaliland daba wadin Dawladda fashilantay ee Soomaaliya, balse ay si
gaar ah ula Macaamilaan Somaliland.
Wargeyska Business Week,ayaa qoray War-bixin dheer oo uu Ciwaan uga dhigay "Naga Saara Siyaasadda
ah Somaliland-Soomaaliya”, taasi oo uu ku muujiyey sida Somaliland u doonayso in Beesha Caalamku ula
macaamisho si Madax-bannaan oo aanay daba wadin Soomaaliyada fashilantay.
Wargeysku wuxuu sheegay in Somaliland mar kale ku celisay in aanay ka mid ahayn dowladda Muqdisho
isla-markaana ay sii wadi doonto shaxdeeda siyaasadeed ee ku aadan dowlad madax-banaan, maaddaama
oo Somaliland tahay mid 30-kii sanadood ee u dambeeyay Dimuqraadiyaddeedu ka dhex ifaysey Geeska
Afrika, sannadkana u diyaar ah inay qabsato doorashooyinka Wakiillada iyo deegaannada.

Sources Wargeyska Geeska.