Dalkii lixaad oo Safiir cusub u soo magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland+Wadama Hormuudka Ka Ah.
Dalkii lixaad oo Safiir cusub u soo magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland+Wadama Hormuudka Ka Ah. Wasiir-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa kula soo dhoweyn u
qabtay xildhibaanada cusub ee Beesha Barriga Afrika iyo Qunsulka guud ee Kenya u magacowday xafiiska
Qunsuliyadooda ee Somaliland.
Sida lagu shaaciyey fariin Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ku baahisay barteeda Twitter ayaa lagu
sheegay in Md Ababu Namwamba ayaa muxaadaro ka jeediyey hanaanka diblomaasiyadda Baarlamaanka.
"Md Namwamba ayaa muxaadaro ku saabsan "Diblomaasiyadda Baarlamaanka” (Parlomacy) oo ah Qaabka
Xidhiidhka Caalamiga ah "ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xidhayay mudanayaasha Kuliyadda
Arrimaha Dibedda, oo goobjoog ahaa Sarkaalka cusub ee loo magacaabay inuu noqdo Qunsulka guud ee
xafiiska Qunsuliyadda Kenya ay ku yeelanayso magaalada Hargeysa, Somaliland, wallow aan magaciina
weli si rasmi ah Kenya u sheegin.
Wasiir-xigeen MdNamwamba ayaa iftiimiyay taariikhda, qaababka, caqabadaha iyo qiimaha
diblomaasiyadda ee xidhiidhka caalamka iyo doorka gaarka ah ee Kuliyadda Arrimaha Dibedda ee
diyaarinta diblomaasiyiinta.”sida lagu sheegay fariinta Wasaaradda A Dibedda Kenya.
Shaacinta Qunsulka cusub ee Kenya ayaa noqonaya dalkii lixaad ee caalamka ee xafiis diblomaasiyadeed
oo cusub ka furta caasimada Hargeysa, taasoo hore ugu lahaayeen dalalka Itoobiya, Jabuuti, Turkiga,
Taiwan, Imaaraadka Carabta, iyo dalka Ingiriiska oo leh xafiis qaabilsan iskaashiga labada dal.
Dalkii lixaad oo Safiir cusub u soo magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland+Wadama Hormuudka Ka Ah.
Dalkii lixaad oo Safiir cusub u soo magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland+Wadama Hormuudka Ka Ah.