Xukuumada Madaxweyne Biixi Oo Miiska U Saaran Tahay Iskushaan-dhayntii Ugu Cuslay Iyo Masuul Waydaaran Doona Tareenka Xukuumad.

0
Saturday April 24, 2021 - 13:40:19 in by salman abdi
  • Visits: 315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Madaxweyne Biixi Oo Miiska U Saaran Tahay Iskushaan-dhayntii Ugu Cuslay Iyo Masuul Waydaaran Doona Tareenka Xukuumad.

    Xukuumada Madaxweyne Biixi Oo Miiska U Saaran Tahay Iskushaan-dhayntii Ugu Cuslay Iyo Masuul Waydaaran Doona Tareenka Xukuumad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Madaxweyne Biixi Oo Miiska U Saaran Tahay Iskushaan-dhayntii Ugu Cuslay Iyo Masuul Waydaaran Doona Tareenka Xukuumad. Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa diyaarsaday liis cusub oo ay ku jiraan baarqabyadii xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, waxaana uu meesha ka saari doonaa Madaxweyne Biixi masuuliyiin fara badan oo aan waxba ku soo kordhin xukuumadda iyo xisbiga kulmiye oo mushahar u xaadiri jiray,Madaxweyne Biixi ayaa lagu wadaa inuu soo buuxiyo wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda oo muddo iminka booska ka maqnaa, sidoo kale waxa lagu wadaa in madaxweyne biixi uu meesha ka saaro wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin oo xaalad xanuun la soo deristay. Masuuliyiin fara badan ayaa wadnaha farta ku haya kuwaas oo aan haba yaraatee magac iyo manfac ay ku soo kordhiyeen aanay jirin xukuumadda madaxweyne biixi iyo sidoo kale xisbigeeda kulmiye oo taageerayaashii hore ka huleeleen, wajiyo cusub iyo masuuliyiin hor leh ayaa lagu arki doonaa liiska cusub ee madaxweyne biixi diyaarsaday, inta la og yahay Ex Wasiir Cabdilahi Maxamed Dulaace (DHOOLAYARE) ayaa kamid ah liiska golaha wasiiradda cusub iyo masuuliyiinta.

Madaxweyne Biixi ayaa raba inuu ciyaaro siyaasad saddex xagal ah oo salka ku haysa wax ka bedelka xukuumaddiisa xisbiga kulmiye iyo doorashada golayaasha deegaanka iyo wakiilada oo muhiim u ah xisbiga kulmiye inuu helo kuraas badan oo uu iskaga celiyo dhigiisa waddani. Ilaa iyo hadda waxaa la sugaya wakhtiga kama dambeysta ah ee uu Madaxweyne Biixi shacabka u soo bandhigi doono liiska cusub ee miiska u saran, in kasta oo ay Bil Ramadaan tahay, haddana waxaa la eegi doona ragga bustaha ka qaadanaya xafiisyada dawladda .